Banaanbaxyo ka bilaawday Muqdisho & Gobolada dalka{sawiro}

by admin | Wednesday, Oct 28, 2020 | 432 views

Qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya iyo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta ka bilaawday banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo Aflagaadadii Nebiga (NNKH)  uu u geystay  Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Boqolaa Ruux oo isugu jira, Haween rag iyo qaar kamid ah Ardayda waxka barata Iskuulada magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay Maanta halkaasi ka dhigayaan banaanbax ay uga soo horjeedaan horjeedo Aflagaadadii Nebiga (NNKH)  uu u geystay  Madaxweynaha Faransiiska.

Banaanbaxayaasha ayaa qaarkood waxaa ay gubeen sawirka Madaxweynaha Faransiiska , iyaga oo ku dhawaaqayay Erayo ka dhan ah Madaxweynaha Faransiiska iyo wadamada Reer Galbeed.

Sidoo kale boqolaal ruux oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka banaadir ayaa waxaa ay banaanbax ka wadaan wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo si adag uga soo horjeeda hadalkii Madaxweynaha Faransiiska.

Inta badan dalalka Islaamka ayaa waxaa ka dhacaya banaanbaxyo xoogan, iyada oo dhamaan banaanbaxyada lagu gubay sawirka Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

    

Like it? Share it!

Leave A Response