Lacag lagu soo rogay qof walba oo galaya Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb

by admin | Wednesday, Oct 28, 2020 | 356 views

Maamulka Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamaeeb Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay lacag kusoo rogeen dadka Galaya si kasto haku galaane garoonka diyaaradaha Magaaladaas.

Lacagta oo qiimaheeda lagu sheegay 10 Dollar ayaa   laga doonayaa in uu bixiyo qof kasta oo galaya irida garoonka diyaaradaha ha ahaadaan  dadka garoonka u taga soo dhoweynta dadka soo dagaya, dadka dhoofaya, dadka soo dagaya iyo qof kasta oo dan ka yeesha garoonka.

Dadka laga doonaya inay bixiyaan lacagta ayaa waxaa ay arayaan laamaha Amniga Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb, balse qofka wata tikid aan laga dooneyn wax lacag ah sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Maamulka Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamaeeb.

Waa Garoonkii ugu horreeyay eek u yaalla dalka Soomaaliya oo la amro inay lacag 10 dollar ah bixiyaan dadka galaya, taas oo ay layaab ku noqotay Bulshada ku nool magaalada Dhuusamareeb.

Like it? Share it!

Leave A Response