Faafaahin:Qarax ka dhacay deleedka magaalada muqdisho

by admin | Tuesday, Aug 21, 2018 | 822 views

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhimatay halka labo kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii Gaari yar oo ay wateen uu qarax la kulmay.

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaceysa Jaamacadda Lafoole iyo degaanka Carbiska,halkaas oo ay marayeen.

Goobjooge ka mid ah dadka degaanka ayaa u sheegay  warbaahinta   in Qofka la beegsaday lagu magacaabo Shacbaan,kaas oo uu sheegay in uu ka mid ahaa  Ciidamada Dowladda.

Goobjoogaha ayaa intaas ku daray in Shacbaan iyo wiil seeddigii ahaa oo Gaariga waday ay goobta ku geeriyoodeen,halka dadka dhaawaca ahna ay kala yihiin wiil isaga la dhashay iyo Hooyadii.

Ciidamada Dowladda ayaa goobta gaaray qaraxa kaddib waxaana ay ka qaadeen dadkii dhimashada iyo dhaawaca uu ka soo gaaray Qaraxa.

Like it? Share it!

Leave A Response