Golaha Wasiirrada Puntland oo ka shiraya go’aanka shirkii Kismaayo

by admin | Tuesday, Sep 11, 2018 | 871 views

Golaha Wasiirrada Maamulka Puntland ayaa maanta ka shiraya go’aankii ka soo baxay shirkii Kismaayo ee Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada sheegeen in ay ku hakiyeen xiriirkii ay la lahaayeen dowladda Federaalka ah.

Waxa jira warar sheegaya in Golaha Wasiirrada Puntland ay ku kala aragti duwanyihiin War-Murtiyeedka shirkii Kismaayo.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas,ayaa isugu yeeray Golihiisa Wasiirrada,waxaana uu ka dhaadhicinayaa mowqifka Puntland ka qaadatay dowladda Federaalka ah.

Waxaa sidoo kale jira in Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/Xakiin Cumar Camey ka biya diiday natiijada Shirkii Kismaayo,waxaana uu sheegay in Puntland aysan raalli ka ahayn waxa ka soo baxay Kismaayo.

Kulanka Golaha Wasiirrada oo ay ka qeybgelayaan Madaxwenaha iyo ku xigeenkiisa kala aragtida ah ayaa isha lagu hayaa war-murtiyeedka ay ka soo saarayaan shirka marka uu dhamaado kaddib.

Like it? Share it!

Leave A Response