Daaha Laga Rogay: Goorma Ay Man United Eryi Doontaa Jose Mourinho

by admin | Sunday, Sep 30, 2018 | 1021 views

Manchester United waxa ay eryi kartaa Jose Mourinho toddobaadkan sida ay xogo hoose qabaan kaddib guuldaraddii West Ham ee Sabtidii.

Tani waxa ay ka dhigan tahay bilowgii ugu xumaa ee ay United sameeyso horyaal tan iyo 1989-90 halka uu cadaadiska ku sii kordhayo Jose Mourinho.

Mourinho waxa ay meeshii ugu xumeyd ka mareysaa isaga iyo Paul Pogba xili uu ka siibay kabtannimadii kooxda.

Alexis Sanchez waxaa laga reebay gebi’ahaanba safkii West Ham halka lagu hor canaantay ciyaartoyda hortooda.

Daily Mail waxa ay hadda fahansan tahay in United ay eryi doonaan Jose Mourinho dhammaadka todobaadkan.

Waxaa la wariyey in mustaqbalka Jose Mourinho laga soo wada xaajooday intii ay kooxda ka soo laabaneysay London.

Waxaa la aaminsan yahay in ku xigeenka madaxa fulinta United, Ed Woodward uu ka cago jiidayo eryidda Jose Mourinho balse taas is bedeli karto haddii bandhigyada Old Trafford sii xumaadaan.

Like it? Share it!

Leave A Response