Guddoomiyaha G/Hiiran Oo Xabsiga Dhigay Shaqaale Ka Tirsan Wasaaradda Maaliyadda Hir-Shabeelle

by admin | Wednesday, Oct 3, 2018 | 883 views

Wararka aan ka heleyno Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Saddex ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda hir-Shabeelle la dhigay Xabsiga Magalada Baladweyne.

Shaqaalahaan la xiray oo mid ka mid ah ay haweeney tahay ayaa la sheegay in amarka lagu xiray uu bixiyay Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar(Dabageed).

Sababaha loo xiray ayaa wararka an helnay waxa ay sheegayaan in ay ka biyo diideen in Bankiga Wasaaradda Maaliyadda Hir-Shabeelle ay uga soo bixiyaan lacag uu ka dalbaday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan,iyaga oo u sheegay in uu amar kasoo qaato Wasiirka Maaliyada HirShabeelle.

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa la Magacaabay 23-kii Bishii la soo dhaafay ee September 2018,waxana tani ay noqoneysaa tallaabadii ugu horeysay ee uu qaaday markii uu xilka la wareegay.

Like it? Share it!

Leave A Response