Wararkii ugu dambeeyay Baydhabo iyo diyaar garowga doorashada Madaxweynaha

by admin | Tuesday, Dec 18, 2018 | 794 views

Qaban qaabo iyo diyaar garow xooggan ayaa loogu jira doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo lagu wado in maalinta berri ay dhacdo, iyadoo ammaanka magaalada Baydhabo si aad ah loo adkeeyay.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa maanta yeelanaya kulan looga hadlayo doorashada Madaxweynaha ee berri la qabanayo iyo diyaarinta howlaha doorashada.

Hadal jeedinta Musharaxiinta ayaa la soo gabagabeeyay maalintii shalay aheyd, iyadoo ay hadleen labo Musharax oo kala ahaa C/casiis Lafta Gareen iyo Amb. Sayid Axmed.

Xaalada magaalada Baydhabo ayaa ah mid degan, kaddib rabashadihii maalmo ka hor ka dhacay magaalada ee ka dhashay xariggii Mukhtaar Roobow.

Ciidamada ammaanka ayaa awood u adeegsaday joojinta dibadbaxyada, iyadoo xiray dad fara badan oo lagu soo eedeeyay inay qeyb ka ahaayeen qalalaasaha ka jiray magaalada.

Guddiga Doorashada iyo Maamulka Koofur Galbeed ayaa ku adkeysanaya in doorashada ay ku dhici doonto waqtigeeda, waxaana jiray dalab iyo baaqyo ka imaanaya Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka iyo Guddoomiyaha oo dalbanayay in la joojiyo doorashada.

Ammaanka hoolka ay ka dhaceyso Doorashada Madaxweynaha ayaa waxaa la wareegay Ciidamada Booliska, sidoo kale howlaga sugida amniga guud ee magaalada Baydhabo si wadajir ah uga qeyb qaadanaya Ciidamada Milateriga, Booliska, Nabadsugida iyo ciidanka Itoobiya.

Like it? Share it!

Leave A Response