Shabaab Oo La Wareegay Deegaan Caan Ah Oo Katirsan Shabellaha DShabaab Oo La Wareegay Deegaan Caan Ah Oo Katirsan Shabellaha Dhexe & Macaawiisleyda Oo Ukala Firxaday…hexe & Macaawiisleyda Oo Ukala Firxaday…

by admin | Thursday, Dec 27, 2018 | 884 views

Ciidan katirsan Ururka Al Shabaab ayaa waxay sheegteen inay la wareegeen Deegaanka Ceel muluq Ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Dagaalyahanada Shabaab ayaa waxay Deegaankani ka saareen Ciidamada Dawlada,kuwa HirShabelle & Maleeshiyaadka Macawiisleyda.

Dagaal Xoogan ayaa ka dhacay Deegaanka Ceel muluq Ee Hoos Yimaada Degmada Cadale Ee Gobolka Sh/dhexe.

Al Shabaab ayaa sheegay in 3 Askari ku dileen Dagaalkaasi ka dhacay Ceel muluq oo ayna kala ceeriyeen Ciidankii kusugnaa Deegaanka.

Ma heyno weli wax war ah oo kasoo baxay Dhinaca Maamulka HirShabelle oo ay kaga hadlayaan Dagaalkaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response