Soomaali booliis ka ahaa Maraykanka oo lagu helay in uu dil gaystay

by admin | Wednesday, May 1, 2019 | 741 views

Maxamed Nuur oo ahaa Wiil Soomaali ah oo askari ka ahaa gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa lagu helay in uu dilay haweenay u dhalatay dalka Australia  oo aan hubaysnayn.

Falkaan ayaa dhacay  15 Luulyo sannadkii 2017, waxaana labaddii sano ee lasoo dhaafay ku socotay Maxkamadeyn kala duwan.

Maxamed Nuur ayaa toogasho ku dilay Ruszczyk Damond oo qaabishay dhanka gaariga uu askarigu ku jiray iyada oo rabta in ay ku wargaliso in ay ka shakiday in guri ay daris yihiin oo Minneapolis ku yaalla uu kufsi ka dhacayo, laakiin nasiib daro Maxamed nuur ayaa si lama filaan ah u toogtay.

Damond ayaa 40 sano jirtay waxayna ahayd macallimad dhigta jimicsiga yoga loo yaqaanno, waxayna ka soo jeeday magaalada Sydney.

Waxaa uu  toddobaadkii hore qiray in uu rasaasta furay isaga oo ka baqaya in isaga iyo askarigii la shaqaynayay weerar gaadmo ah lagu soo qaaday.

Maxamed nuur ah ayaa ah 33 sano jir Waqti kooban ka tirsanaa Ciidanka booliska Mareykanka, waxaana uu noqonaya Askarigii ugu horreeyay ee Madow ah oo lagu helo dambiga noocaan oo kale ah.

Maxamed oo gacamaha ka xiran ayaa xabsi loo taxaabay isla markii ay guurtidu ku heleen dambi heerka saddexaad ah iyo dil aan kas ahayn oo heerka labaad ah, xukunkaasina wuxuu dhacay Talaadadii.

Waxaa lagu waayay dambiyadii halista ahaa ee dilka heerka labaad ah iyo in uu si ula kac ah u dilay.

Like it? Share it!

Leave A Response