Kenya oo Xabsiga ka siideysay Dr Bursaliid iyo dad lala xiray

by admin | Wednesday, Jun 12, 2019 | 745 views

Dowladda Kenya ayaa xalay Xabsiga ka siideysay Dr Ibraahim Faarax Bursaliid Bursaliid,kaas oo mudo 5 Cisho ah ugu xirnaa Xabsi ku yaalla Magalada Nairobi ee Caasimadda dalkaasi Kenya.

7-dii Bishaan ayaa Ciidamada Sirdoonka dalka Kenya ay Gurigiisa kala baxeen Dr Bursaliid, iyada oo lala xiray Saddex qof oo kale oo Soomaali,kuwaas ooo Eedo isku mid ah loo wada jeediyay.

Aqoonyahan Bursaliid oo ah falanqeeye Arrimaha Siyaasada ayaa wax ka dhiga Jaamacadda Nairobi,waxaana dhawaan Dowladda Kenya ay horkeentay Maxkamada, iyada oo isaga iyo rag kale ku eedeeysay inay xiriir la leeyihiin Kooxaha waxa loogu yeero Argagaxisada,hayeeshee haatan wax dambi ah lagu waayay.

Xeritaanka Aqoonyahan Bursaliid ayaa kusoo aaday xilli ay weli taagan tahay xiisad u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya wallow Kenya ay sheegtay in xarigiisa aysan xiisadaas ku lug laheyn.

Like it? Share it!

Leave A Response