Ahlu Sunna oo ku karbaashtay labo dhalinyaro ah magaalada Dhuusamareeb

by admin | Saturday, Aug 24, 2019 | 574 views

Ururka Ahlusunna Waljameeca ayaa maanta fagaaro ku yaal magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug waxaa ay xukun Karbaash ah ku fulisay rag lagu eedeeyay fal kufsi ah.

Raggan lagu jeedalay Dhuusamareeb ayaa dhowr bilood kahor fal kufsi ah ka geystay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Fagaaraha lagu karbaashay labadan dhalinyarada ah ayaa waxaa ku sugnaa dadweyne faro badan oo ka kala yimid xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Dhuusamareeb.

Ammaanka goobta uu xukunkan ka dhacayay ayaa  waxaa maamulayay ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug iyadoo dad badan ay soo dhoweeyeen xukunka lagu fuliyay raggan dhalinyarada ah.

Like it? Share it!

Leave A Response