Wararkii ugu dambeeyay Dagaalkii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

by admin | Saturday, Aug 24, 2019 | 648 views

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Maanta Ciidamo ka tirsan Booliska Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir iyo Maleeshiyaad hubeysan ku dhexmaray Xaafad ka tirsan degmadaas.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay inuu salka  ku haayay muran  dhul  ku yaalla Xaafada Saban Saban oo ka tirsan Degmada Deyniile,waxaana ka dhashay khasaaro kala soo kala gaaray labada dhinac.

 

Dad ku sugan Deyniile  ayaa u sheegay   warbaahinta in Ciidanka Booliska iyo Maleeshiyaadka ay isdhaafsadeen rasaas xoogan,wallow markii dambe ay istaagtay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalkaas dhaawac uu  kasoo gaaray Xoghayaha degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir  Mahad Shilaawe,waxaana dhaawaciis la tilmaamay inuu yahay mid fudud.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka ee Deyniile ee Gobolka Banaadir oo ay uga hadlayaan dagaalkii Maanta ka dhacay Xaafada Saban Saban,kaasi oo salka ku haayay muran ku yaalla halkaas

Like it? Share it!

Leave A Response