Kooxaha Manchester City & Barcelona Oo Qarka U Saaran Inay Is Dhaafsadaan Laba Kamida Xiddigahooda Mustaqbalka Wanaagsan{sawiro}

by admin | Thursday, Apr 30, 2020 | 742 views

Sida uu sheegayo wargeyska Sport Kooxaha Manchester City iyo Barcelona ayaa lasoo warrinayaa inay ku dhaw yihiin inay heshiis xiddigo is dhaafsi isku weydaarsadaan labada daafac midig ee kooxahooda ee Joao Cancelo iyo Nelson Semedo iyadoo damacu ka imanayo dhinaca City.

Manchester City oo xiisaynaysa saxeexa Semedo ayaa diyaar u ah inay heshiiska ku daraan Semedo isla markaana ay raaciyaan lacag maadaama qiimaha suuqa kala iibsiga uu ku sarreeyo Semedo.

Man City flop Joao Cancelo wanted by Barcelona in shock player ...

Barcelona ayaa wakiilka caanka ah ee Jorge Mendes oo wakiil u ah labada ciyaartoy ee ay dal wadaaga yihiinba u sheegtay inuu fasax u haysto inuu la xaajoodo Man City, waxa ay hore u doonayeen 45 Milyan oo euro laakiin haatan heshiiska is-dhaafsiga ah ayaa wax bedelaya.

Wada hadalkii heshiis kordhinta ee u dhaxeeyay Semedo iyo Barcelona ayaa dhawaan dhammaaday, xiddigan oo heshiiskiisa Camp Nou uu dhacayo sanadka 2022 ayaa doonaya inuu suuqa xagaaga koox cusub tago si uusan qiimihiisu hoos ugu dhicin.

Semedo ayaa doonayay inuu iskaga tago Barca xilli ciyaareedkii hore dhammaadkiisii balse kooxda ayaa u dagaalantay inay sii haysato iyagoo u balan-qaaday boos joogto ah isla markaana kahor istaagay City iyo Atletico Madrid oo doonayay.

Arrimaha ayaa haatan isbedelay, Barcelona ayaan halkii wakhtigaas maanta joogin waxaana ay doonayaan inay qorshahoodii hore bedelaan si ay lacag u helaan maadaama uu saamayn dhaqaale keenay xanuunka Coronavirus.

City ayaa ah kooxda hoggaaminaysa loolanka Semedo tan iyo markii uu wakiil Mendes kooxaha u bandhigay saxeexiisa, waxa ay qabaan inuu si fiican ula qabsan doono Premier League.

Kooxda difaacanaysa Premier League ayaa ku fashilan saxeexa Cancelo maadaama oo ay 30 Milyan oo Pound iyo Danilo xagaagii dhawaa uun kaga bedesheen Juventus.

Like it? Share it!

Leave A Response