Al-Shabaab oo dib ula wareegay degaano ay ka baxeen Ciidanka dowladda & kuwa Galmudug

by admin | Friday, Aug 27, 2021 | 283 views

Kadib markii ay dib uga soo baxeen ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya, Al-Shabaab ayaa dib u qabsaday deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara ee gobolka Mudug.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey in Al-Shabaab ay gudaha deegaanadan lasoo galeen Xubno badan aad u hubeysan.

Talaadadii ayey aheyd markii ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ay dib u qabsadeen magaalada Camaara ee Gobolka Mudug, halkaasi oo muddo kooban ay haysteen Al-Shabaab.
Isla maalinkaas, warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa soo tebisay in duqayn cirka ah lala beegsaday Al-Shabaab, nawaaxiga Camaara, waxaana taliska ciidanka Soomaaliya uu sheegay in duqeyntaas lagu dilay 90 Shabaab ah.
Degaannada ku yaal Koonfurta Gobolka Mudug ayaa waxaa labadii bilood ee la soo dhaafay ka socday dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda &kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Al-Shabaab, waxaana Ciidamada huwanta ah ay la wareegeen degaano dhowr ah walow ay dib uga baxeen.

Like it? Share it!

Leave A Response