Al Shabaab oo weeraray degaanka Deynuunay

by admin | Monday, Oct 15, 2018 | 819 views

Ururka Al Shabaab ayaa saakay aroortii weerar ku qaaday degaanka Deynuunaay, oo qiyaastii 26-KM u jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Shabaabka ayaa dhanka Koonfureed ka galay deegaanka Deynuunay, iyagoona iska cabin kala kulmay ciidamada dowladda Soomaaliya, oo fariisimo ku leh labada cirif ee Deynuunay laga galo.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka weli uu socdo, islamarkaana ay muujinayaan cabsi ku aadan in dagaalka uu sii xoogeysto.

Ciidamo gurmad ah ayaa ka baxay magaalada Baydhabo, si ay garab u siiyaan ciidanka Deynuunay ku sugan ee weerarka kala kulmay xoogaga Ururka Al Shabaab.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan, maadaama labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka nuucyadii kala duwan, balse saraakiisha Koonfur Galbeed waxay tilmaameen inay dib ka faah faahin doonaan.

Al Shabaab ayaa dhawr mar weerar ku qaaday degaanka Deynuunay oo ay ku sugan yihiin Ciidan Millitari ah iyo kuwa Koonfur Galbeed, waxayna arrintaasi dhibaato ku noqotay shacabka halkaasi degan, oo cabsi ka muujinaya weerarada Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response