Al-Shabab oo sheegtay in wasaaradda shaqada ay u weerartay ‘laba arrin oo ka socotay darteed

by admin | Sunday, Mar 24, 2019 | 889 views

Kooxda Al-Shababa ayaa war kasoo saartay weerarkii ay shalay maleeshiyada kooxdaas ku qaadeen xarunta wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Soomaaliya, oo ku taalla degmada Shangaani ee Muqdisho.

Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab, Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab ayaa shir Jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in Al-Shabaab ay laba sabab dartood u beegsadeen xarunta wasaaradda,

Abu Muscab ayaa sheegay in xarunta ay ka socdeen laba shaqo oo sida uu sheegay qalad ah.

Tan koowaad, ayuu ku sheegay, inay tahay qorista ciidamo la dagaalamada kooxda Al-Shabaab iyo sidoo kale ciidan kale oo ah sirdoon dharcad oo basaasa culumaa’udiinka magaalada Muqdisho iyo dadka fikrad ahaan kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Abu Muscab ayaa sababta labaad ku sheegay in wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ay qoreyso dad dib u dhis ku sameeya xarunta tiyaatarka qaranka, ayada oo loo marayo barnaamijka is-xilqaan, taasi oo sida uu sheegay kasoo horjeedda shareecada islaamka.

Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkaas ay ku dileen 15 qof, islamarkaana ay ku dhaawaceen 26 kale, kuwaas oo ay ka mid yihiin dad xilal sare hayey.

Al-Shabaab ayaa kumanaan shacab ah ku laysay magaalada Muqdisho sanadihii tagay, kuwaasi oo ku dhintay qaraxyo iyo weeraro qorsheysan, waxaana kooxdan mar walba ay qiil u sameysaa gumaadka shacabka.

Like it? Share it!

Leave A Response