Amaro lagu soo rogay Shacabka kunool Baydhabo

by admin | Thursday, Dec 13, 2018 | 773 views

Taliska Booliska Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay amaro ku soo rogeen Dadka ku dhaqan Magaalada Baydhabo, kuwaasoo banaanbaxyo ka sameeya Magaalada Baydhabo.

Taliyaha Qeybta Booliska Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Gobolka Baay Korneel, Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in dadka looga baahan yahay in aysan dhigin dibadbaxyo aan lasoo ogeysiin Booliska.

Waxa uu sheegay in Magaalada Baydhabo ammaankeeda ay Booliska si weyn u sugayaan shacabkana laga doonayo in ay Ammaanka Baydhabo si weyn u ilaaliyaan.

Sidoo kale waxa uu digniin u diray dadka Bannaanbaxyada dhiga isaga oo xusay in Ciidamada si adag ay kaga hortagi doonaan haddii ay dadku dhigaan isu soo baax aysan ogeyn Ciidamada nabadgalyada.

Like it? Share it!

Leave A Response