Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Dhaqdhaqaaqyo Ciidan iyo xiisado dagaal oo u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo kuwa xoogagga degaanka ee SSC ayaa saaka ka taagan magaalada Laascaanod ee gobolka Sool Goob joogayaal ku sugan agagaarka furumaha dagaalka ayaa sheegaya in xalay ilaa saaka la dareemayo xiisad dagaal, isla markaana dhinacyada ay mararka qaar ay isweydaarsanayaan hub culus iyo tacshiirad Saraakiil...

Hawlgalka ATMIS ayaa soo gabagabeeyay wejigii koowaad ee Dhimista ciidamada iyagoo maanta ciidamada amaanka  Soomaaliya ku wareejiyey saldhigyada Aljazeera-1 ee tababarada ee ku yaala Muqdisho iyo Saldhiga Gherille ee dowlad goboleedka Jubaland. Saldhiga hore oo ay maamulijireen ciidamada Ugandha  ayaa waxaa ku wareejiyay Ciidamada Amaanka Soomaliya  taliyaha qeybta...

Is-rasaaseyn khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac geysatay ayaa xalay ka dhacday xaafada Siisii oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir gaar ahaan agagaarka Hellow Doctor. Sida wararku sheegayaan is-rasaaseynta ayaa u dhaxeysay ciidamo ka tirsan Bolisiyo Milatari iyo ciidamo lagu soo tababaray dalka Eritrea. Labada ciidan ayaa is-rasaaseynta ka hor waxaa dhaxmaray...

Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ayaa digniin kama dambays ah u dirtay dad ay ku sheegtay inay faafiyaan erayo abuuri kara nacayb iyo xasilooni darro, isla markaana xadgudub ku ah Dastuurka dalka Itoobiya iyo kan degaanka Soomaalida. Haddaba Xafiiska Nabadgalyada ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa war uu kasoo saaray arrinkaas waxa uu sheegay in waayadan dambe ay...

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar lagu dhisayo hay’ad madax-bannaan oo go’aamin doonta waxa ku dhacay in ka badan 130,000 oo qof oo lagu la’yahay colaadda ka taagan Dalka Suuriya. Qaraarka, oo ay hormuud ka tahay Luxembourg, dalalka ka soo horjeestay waxaa ka mid ah Suuriya oo sheegtay in aysan la shaqayn doonin hay’adda loo xilsaaray...

Turkiga ayaa cambaareeyay go’aan ay mas’uuliyiinta Sweden ku ansixiyeen dibadbax kooban oo kitaabka Qur’aan lagu gubay oo ka dhacay bannaanka masjid ku yaalla Stockholm Arbacadii. Tallaabadaasi ayaa laga yaabo in ay khatar ku noqoto dadaalka Sweden ee ku biirista NATO ka hor shirweynaha muhiimka ah ee ururka ee bisha Luulyo. Hal qof ayaa ka qeyb galay qorshahii lagu...

Taliska ciidanka Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay nin dhalinyaro ah oo ku eedeysan inuu xaday canuga yar. Ciidamada Booliiska ee ka howlgala Saldhiga degamada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay iney gacanta kuso dhigeen ninkaan eedeysanaha ah. Booliiska gobolka Banaadir ee shaaciyay sawirka ninkaan eedeysanaha ah maysan sheegin magaciisa...

Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida itoobiya ayaa sheegaya in Shalay halkaasi ay ka da’een baraf iyo dabeylo xoogan oo wada socday. Wararka ayaa sheegaya in deegaano u dhaxeeya magaalooyinka Jigjiga iyo Wajaale iney ka da’een barafka iyo dabeylaha isla socda oo la sheegay iney tahay markii ugu horeysay inta la ogyahay oo...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo waabarigii hore ee saakay ka dhacay tuulada Daarunimca oo ka mid ah deegaanada hoostaga deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weerar ku qaadeen tuulada Daarunimca, halkaas oo la sheegay inuu ka dhacay dagaal xoogan oo qaatay ku dhawaad...

Nin hubeesan ayaa weerar dhaliyay khasaaro dhimasho  ku qaaday xarunta Qunsulliyada Maraykanka ku leeyahay magaalada Jeddah, waxaana weerarkan si kulul u cambaareesay dowladda Mareykanka. Wakaalladda wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in xalay fiidkii nin hubeesan uu gaari kaga degay afaafka hore ee Qunsulliyada Mareykanka ee Jiddah, waxa uuna ninkaasi rasaas ku furay...