Weerar dhimasho sababay oo lagu qaaday Qunsulliyada Maraykanka ku leeyahay Jeddah

by admin | Thursday, Jun 29, 2023 | 172 views

Nin hubeesan ayaa weerar dhaliyay khasaaro dhimasho  ku qaaday xarunta Qunsulliyada Maraykanka ku leeyahay magaalada Jeddah, waxaana weerarkan si kulul u cambaareesay dowladda Mareykanka.

Wakaalladda wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in xalay fiidkii nin hubeesan uu gaari kaga degay afaafka hore ee Qunsulliyada Mareykanka ee Jiddah, waxa uuna ninkaasi rasaas ku furay ilaalada Qunsulliyada.

Sarkaal ka tirsan ciiddanka booliska Sacuudiga ayaa sheegay in Ninkii hubeysnaa uu rasaas ooda uga qaaday ilaaladda Qunsulliyada, waxaana goobtaasi ku geeriyooday mid kamid ah ilaalada Qunsulliyada iyo ninkii hubeesnaa ee weerarka qaaday.

War kasoo baxay waaxda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa lagu cambaareeyay weerarka lagu qaaday Qunsulliyada, Mareykanka ayaana sheegay in muwaadiniintooda uusan khasaaro soo gaarin weerarka dhacay.

Dowladda Mareykanka ayaa tacsi u dirtay ehelada nin kamid ahaa ilaalada Qunsulliyada oo weerarka ku dhintay, ninkan la dilay ayaana kasoo jeeda dalka Nepal, waxa ayna dowladda Mareykanka shaacisay in ay ka xun tahay weerarkan lagu soo qaaday Qunsulliyadooda.

Booliiska Sacuudiga ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan weerarkan lagu qaaday Qunsulliyada Mareykanka ku leeyahay Jiddah, waxa ayna booliiska sheegeen in ay baarayaan shaqsiyada ninka weerarka geestay oo booliiska toogteen.

Like it? Share it!

Leave A Response