Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

by admin | Friday, Jun 30, 2023 | 120 views

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo waabarigii hore ee saakay ka dhacay tuulada Daarunimca oo ka mid ah deegaanada hoostaga deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weerar ku qaadeen tuulada Daarunimca, halkaas oo la sheegay inuu ka dhacay dagaal xoogan oo qaatay ku dhawaad hal saac oo xiriir ah.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay iney dagaal culus kula wareegtay tuulada Daarunimca, islamarkaana ay cagta marisay saldhigyadii ciidamada dowladda ay ku lahayeen tuulada Daarunicma.

Dagaalka aroornimadii hore ee saakay ka dhacay tuulada Daarunimca ayaa lasoo warinayaa inuu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, hayeeshee lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka inta uu dhan yahay.

Majirto wali wax war ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalka aroorninadii hore ee saakay ka dhacay tuulada Daarunimca ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Deegaanka Daarunimca ayaa ka mid ahaa deegaanadii ugu dambeeyay ee gobolka shabeellaha Dhexe oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Macawiisleeyda ay kala wareegeen kooxda Al-shabaab oo halkaas ka talineysay in ka badan 10 sano.

Like it? Share it!

Leave A Response