Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa ku dhawaaqday in ay Hawada sare u direyso Dayax-Gacmeed safarkiisa qaadan doono muddo dhan 7-sano si uu usoo sahmiyo walxaha ku gedaaman bah-cadceedeedda (Solar System) sida hadalka loo dhigay. Saadaasha xawaaraha Dayax-gacmeedka Imaaraatka Carabta ee Hawada sare loo dirayo waa 33,000 KM saacaddii in uu jaro, waxaana lala socon...

Waxaa lagu wadaa in Maanta Magalada Muqdisho uu ka furmo kulanka Wasiirada Caddaaladda dowladda Soomaaliya  iyo Dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka. Kulankaan oo ay qabaneyso Wasaaradda Cadaaladda dowladda Soomaaliya ayaa daba socda kulamadi farsamo ee hore u qabsoomay 21-24 may 2023 oo lagusoo gorfeeyay hawl-gelinta hannaanka garsoorka iyo Asluubta, shuruucda,...

Waaberigii hore ee saaka ayaa waxaa la sheegay in Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay weera ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ku leeyihiin degaanka Masagawaay ee Gobolka Galgaduud. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in marka hore ay maqleen jugta qarax xoogan kadibna uu xigay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa degaanka...

Ciidamada dalka Niger ayaa sheegay inay dileen 55 xubnood oo ka tirsan kooxaha Islaamiyiinta ee xiriirka la leh ururka Daacish, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil sar sare. Hawlgalkan oo socday muddo 22 maalmood ah, ayaa la soo gebagebeeyey maalinimadii Axaddii, iyada oo la bartilmaameedsaday goobaha ay ka degan yihiin kooxaha Islaamiyiintu gobolka ku yaalla dhinaca woqooyi...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan Casho Sharaf ah la qaatay qaar ka mid ah Garaadada oo ka soo kicitamay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka  Sool. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Garaadada kala hadlay xaaladda magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, waxa uuna muujiyey sida aan loo aqbali karin in ay sii socoto xabadda iyo...

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku guuleysay doorashadii ku celiska aheyd ee madaxweynaha waddanka Turkiga, kadib markii uu helay in ka badan 52.14%, sida uu shaaciyay guddiga doraashada dalkaas. Codadkii la tiriyay ayuu Madaxweyne Erdogan ku guuleystay 52.3%, halka Musharaxii la tartamayay oo ahaa Kemal Kilicdaroglu uu helay 47.8%, sida...

Waxaa Maanta oo Iniin ah lagu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu furo kal-fadhiga Saddexaad ee Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo labadii bilood ee la soo dhaafay fasax kujiray. Guddoonka labada Aqal ayaa xalay Xildhibaannada ku wargeliyay in Maanta Xarunta Villa Hargeysa uu Madaxweynaha ka furayo Kal-fadhiga Saddexaad ee Baarlamaanka. Furitaanka...

Wararka naga soo gaaraya degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Uganda eek amid ah Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ay madaafiic ku garaaceen deegaanka Mudul-baraawe oo qiyaastii 15km ujira caasimadda Koonfur-galbeed ee Baraawe. Madaafiicda ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen lix Ruux oo isku qoys ahaa, kuwaas oo carruur ay qeyb...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa sheegay in qodobadii kasoo baxay Shirkii Glaha wada-tashiga Qaran ee ka qabsoomay Muqdisho ay yihiin kuwo guul ah oo mudan in loo hambalyeeyo. Wuxuu sheegay in Golaha wadatashiga Qaran ay la fariisan doonaan cid kasta oo tabasho ka qabta qodobadii kasoo baxay kulankii ay ku yeesheen Magaalada...

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Duqa Magaalada Axmed Meyre Makaraan ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray shirka dib u hishiisiinta Beelo walaalo ah oo dhawaan ku dagaalamay Tuulooyinka Baaroweyne iyo Mareereey oo hoosyimaada Jowhar Shirka ayaa leysugu keenay odoyaasha labada dhinac ee dirirtu dhexmartay iyadona ay kaso qeybgaleen Odoyaasha dhaqanka Gobolka oo...