Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Waxaa sii kordhaya cabsida iyo walalka ay ka qabaan shacabka reer Baledweyne inuu ku fataho Wabiga shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay ka bad qabeen afartii sano ee lasoo dhaafay inuu fataho. Cabsida iyo walalka dadka reer Baledweyne ayaa timid kadib markii si aad ah ay u kordheen qulqulka biyaha wabiga ee ka imaanaya dhanka...

Ciidamada ammaanka ee dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay nin gaari nooca raaxad ah ku waday ilmo yar oo mayd ah, kaas oo lasoo dhigay agagaarka isbitaalka Digfer ee degmada Hodan. Qoraal kasoo baxay taliska booliska gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay gurmad ku tageen goobta, kadib wargelin ay ka heleen dadka deegaanka. Booliska...

Gaariga Ambassador Ismail Çobanoğlu ayaa waxaa lagu rasaaseeyay gudaha Caasimadda dalka Sudan ee Magaalada Khartoum. Warbaahinta Turkish-ka waxay ka soo xigteen Ilo Diplomasiyadeed inaysan Danjiraha ama Shaqaalaha Safaarada Türkiye ee la socday waxyeelo ka soo gaarin dhacdadaasi. Ciiddanka Dowladda Sudan iyo kuwa Gurmadka Degdega (Rapid Support Forces (RSF) waxa uu...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Ergeyga ka socday Golaha Sare ee dalka Suudaan Danjire Dafcallah Al-xaaji Cali ayaa la wadaagay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga walaacsan tahay iska-hor imaadka hubaysan ee ka socda dalkaas. Madaxweynaha ayaa tilmaamay xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Labada...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Hirshabeelle, kaas oo lagu qabtay Magaalada Jowhar. Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay Amniga, Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, Maareynta fatahaadaha Wabiga Shabeelle, Warbixin Barnaamijka xasilinta iyo heerarka ay marayaan, Barnaamijka kasoo kabashada...

Wasiirka caddaalada Puntland, Maxamed Cabdiwahaab, ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin eedeymaha kasoo baxay madaxweyne Xasan Sheikh, kaasoo ka digay khilaafka siyaasadeed ee Puntland ka jira. Wasiirka caddaalada ayaa sheegay in Puntland aysan u burburayn, wuxuu ugu yeeray duufaanada siyaasadeed ee wajiyada badan ee lagusoo qaaday maamulkooda. “Puntland burburi mayso,...

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad hubeysan ay weerar ka geysteen waqooyiga gobolkaas oo hoostaga dowlad goboleedka Galmudug. Weerarka oo ka dhacay tuulada Indha Kayd doo hoostaga deegaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, sida aan xogta ku helnay. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa...

Guri kamid ah Guryaha Qadiimiga ah (Mudadda fog dhisan) oo ku yaalla Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir ayaa ku dumay qoys degenaa, inta la xaqiijiyay waxaa dhintay ugu yaraan 3 carruur halka dhaawac uu soo gaaray Dad kale oo aan tiradoodu la shaacin. Gaadiidka Gurmadka Degdega ah oo goobta gaaray ayaa sameeyay gargaar la siiyay Dadka dhibaatadu qabsatay iyada oo carruurta...

Iyada oo saacadihii la soo dhaafay uu Roobka Guga ka da’ayay deegaano ka tirsan itoobiyaha ayaa waxaa haatan soo baxaya cabsida laga qabo in markale Wabiga Shabeelle uu fatahaad ka sameeyo deegaano ka tirsan Gobolkada hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Wararka aanu ka helayno dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in Wabiyada Shabeelle iyo Web oo ay buux dhaafiyeen...

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gudaha maamulka Puntland ee salka ku haysa doorashada maamulkaas iyo damaca la xiriira ee madaxweyne Saciid Deni. Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in uusan raali ka aheyn in nidaamka dowladnimo ee Puntland uu ka dumo iyo inay isdilaan, xilli ay meel sare gaartay khilaafka...