Maamulka Hir-Shabeelle oo ka shiray wajiga 2aad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab

by admin | Sunday, May 7, 2023 | 150 views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Hirshabeelle, kaas oo lagu qabtay Magaalada Jowhar.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay Amniga, Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, Maareynta fatahaadaha Wabiga Shabeelle, Warbixin Barnaamijka xasilinta iyo heerarka ay marayaan, Barnaamijka kasoo kabashada xasaradaha (SCRP), iyo Qorshe-yaasha Caafimaadka ee Hirshabeelle gaar ahaan Isbitaalka Jowhar.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Golaha uga warbixiyay amniga guud ee Hirshabeelle, Guulaha laga gaaray howlgallada Al-Shabaab iyo diyaar garowga loogu jiro wajiga 2aad ee Howlagallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ayaa Golaha Wasiirada la wadaagay halka uu marayo Barnaamij-ka xasilinta oo laga fulinayo deegaanada la xoreeyay si bulshada u hesho adeegyada muhiimka ah ee Dowladda.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan shaqaaleysiinta Macalimiin isagoo xusay inay gabo-gabo marayso Imtixaanaadka lagu qaadanayo 400 boqol oo macalimiin ah.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Golaha la wadaagay xaalada Isbitaal Goboleedka Jowhar.

Madaxweynaha ayaa u Mahadceliyay Golaha isagoo faray inay dardargaliyaan shaqooyinka adag ee horyaala.

Like it? Share it!

Leave A Response