Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Maxamed Xasan oo dhinaca Koonfureed kaga beegaan magaalada Baledweyne qiyaas ahaan 22 KM ayaa lagu soo waramaya inuu haatan halkaasi ka socdo dagaal Culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dib u xureynta deegaanka iyo Al-shabaab. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Al-shabaab oo la tilmaamay in habeenimadi...

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska u magacaabay in ay noqoto Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). António Guterres oo ah diblumaasiyad sare ayaa xilkaan kala wareegeysa Ergeygii hore ee Wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Hureese ayaa shirguddoomiyay shir looga hadlayay sidii dalka dib loogu soo celin lahaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Suudaan. Shirkaan oo soo agaasimay Xafiiska Ergeyga Madaxweynaha u qaabilsan Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda soo-galootiga,...

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay sababta ka dambeysa in dalalka safka hore ay la kaashato dagaalka socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii Isniinta ka qeyb-galay kulan dadweyne ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay waddamada jaarka iyo kuwa naga fogba ay u kaashanayaan dagaalka, maaddaama...

Qoraal kasoo baxay taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa looga hadlay howlgal ay ciidamada ammaanka xalay ka sameeyeen degmada Cabadicasiis ee gobolka Banaadir. Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa waxaa lagu soo qabtay Maxamad Cali Cilmi oo ku eedeysan inuu mindi ku dilay wiilkiisa oo ahaa 6 sanno jir. Aabahan oo 45 sano jir ah ayaa saacado...

Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, ayaa ku dhawaaqay in Dowladiisu ay bilaabi doonto in Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ay ka soo saarto Soomaaliya sanadka 2024-ka, si dalka uu u xasilo. Isagoo ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay warbixinta xaaladda socdaalka bariga iyo geeska Afrika, ayuu madaxweynuhu xusay in la dhimi doono tirada ciidamada Kenya ee ka howlgala...

Magaalada Baydhabo Xarunta KMG ah ee DG Koofur Galbeed waxaa ka dhacay kulan looga arrinsanayay sidii loogu dhaqaaqi lahaa howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee dhaqdhaqaaqiisu ka socda deegaanno dhowr ah oo katirsan Dowlad-Goboleedkaas. Koofur Galbeed waxaa lagu diyaariyay Ciidamo tababaro gaar ah qaatay oo loo carbiyay sidii ay ula howlgali lahaayeen Ciidamada Federaalka,...

Dowladda Mareykanka ayaa ciidamo dheeraad ah u qorsheysay in ay geyso xadka ay la wadaagto Waddanka Maksiko oo muddooyinkii dambe noqday marinka ugu weyn ee Soogalootiga u gudba Dalkaas. Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegtay go’aankaan ciidamada dheeraadka ah lagu geynayo soohdinta Maksiko si ay u gacansiiyaan Ciidanka kale ee jooga halkaas ee ku guuleysan waayay...

Dowlad goboleedka Puntland oo soo saartay warsaxaafadeed ayaa jawaab kulul ka bixisay hadalkii dhowaan kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hoos u dhigay khilaafka dowladdiisa kala dhexeeyo maamulka Garoowe, isaga oo sheegay in uusan ogeyn waxa ay ka tabaneyso Puntland. Qoraalka ay soo saartay Puntland ayaa lagu soo koobay 10 oo loogu jawaabay madaxweynaha,...

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo habeen hore ka qeyb-galay kulan dadweyne oo su’aalo lagu weydiinayay ayaa ka hadlay dagaalka Laascaanood ka socda muddo ka badan saddex bilood. Madaxweynaha ayaa waxa uu ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda Laascaanood ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC, islamarkaana la wada-hadlo halkii xabbad...