Safiirka Türkiga u joogay Sudan oo isku day dil ka badbaaday

by admin | Sunday, May 7, 2023 | 179 views

Gaariga Ambassador Ismail Çobanoğlu ayaa waxaa lagu rasaaseeyay gudaha Caasimadda dalka Sudan ee Magaalada Khartoum.

Warbaahinta Turkish-ka waxay ka soo xigteen Ilo Diplomasiyadeed inaysan Danjiraha ama Shaqaalaha Safaarada Türkiye ee la socday waxyeelo ka soo gaarin dhacdadaasi.

Ciiddanka Dowladda Sudan iyo kuwa Gurmadka Degdega (Rapid Support Forces (RSF) waxa uu midba dhinac kale ku eedeeyey Tacshiiradaasi lala beegsaday Gaariga Khaaska ee Safiirka dalka Türkiye u jooga dalkaasi.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Ciiddanka RSF waxay Falkaasi ku eedeeyeen Ciiddanka Dowladda iyo inuu Weerarkaasi ahaa mid Xadgudub ku ah dhamaan Sharuucda Caalamiga iyo Heshiiska Geneva Convention ee dhowrista Badqabka Diplomasiyiinta Shisheeyaha.

Qoraalka waxaa lagu muujiyey in goobta lagu weeraray Gaariga Safiirka Türkiye, Ismail Çobanoğlu ahayd goob ay ku xoogan yihiin Ciiddanka Dowladda Sudan.

Dhanka kale, Ciiddanka Dowladda Sudan waxay tilmaameen inay Kooxda RSF ka dambeeyeen weerarkaasi lala beegsaday Gaariga Khaaska ee Danjiraha dalka Türkiye, Ismail Çobanoğlu.

Weerarkaasi kadib, waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Türkiye, Mevlüt Çavuşoğlu sheegay inay Dhismaha Safaarada Turkiye laga wareejin doono magaalladda Khartoum, oo la loo dejin doono magaalladda Port Sudan ee ku taalla Bariga dalkaasi, isla markaana kaabiga ku haysa Badda Cas.

Xarumaha Hay’adaha QM iyo Safaarado ayaa waxaa si KMG ah loogu wareejiyey magaalladda Port Sudan, sababo la xiriira dagaallada isbuucii 3-aad ka socda Caasimadda Sudan iyo Deegaanada ku hareeraysan.

FacebookTwitterPinterestWhatsAppTelegram

Like it? Share it!

Leave A Response