Maxay Shacabka Turkiga uga dhigan tahay dib u doorashada Madaxweyne Erdogan?

by admin | Monday, May 29, 2023 | 189 views

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku guuleysay doorashadii ku celiska aheyd ee madaxweynaha waddanka Turkiga, kadib markii uu helay in ka badan 52.14%, sida uu shaaciyay guddiga doraashada dalkaas.

Codadkii la tiriyay ayuu Madaxweyne Erdogan ku guuleystay 52.3%, halka Musharaxii la tartamayay oo ahaa Kemal Kilicdaroglu uu helay 47.8%, sida laga soo xigtay Guddiga doorashada dalka Turkiga oo cod bixinta ka dib ku dhawaaqay natiikada rasmiga.

Ka dib markii lagu dhaawaqay Natiijada doorashada ku celiska ah ee Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa Magaalooyinka ugu waaweyn ee dalkaas waxaa isku soo baxyo ka dhiga taageerayaasha Madaxweyen Recep Tayyip Erdogan.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayaa taageerayaashiisa kula hadlay afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Ankara. Khudbadiisa ayuu kaga hadlay sida “qofna aan looga guuleysan” iyo in “85 milyan oo qof ayguud ahaan guuleysteen.”

Sidoo kale Madaxweyne Erdogan oo sii hadlaya ayaa hadalkiisa waxa uu ku sii daray, “In hadda la joogo waqtigii aan midoobayn lahayn oo aan meel uga soo wada jeedsan lahayn himilooyinka iyo riyooyinka qarankeena,” sida uu yiri Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib u doorashada Madaxweyne Erdogan ugu hambalyeeyay guusha uu gaaray. Qoraal ku qornaa luqadda Turkish kaas oo lagu faafiyay Bogga Twitterka ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Hambalyo Saaxiib iyo Walaal Turkey Recep Tayyip Erdogan.”  

Hoggaamiyaasha Caalamka ayaa dhammaan u wada hambalyeeyay guusha uu gaaray Madaxweynaha dalka Turkiga, kuwaas oo guul u rajeeyay Madaxweyne Erdogan dib u doorashadiisa, taas oo ka dhigan in uu xilka sii jooga shanta sano ee soo socota.

 

Like it? Share it!

Leave A Response