Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Mucaaradka Somaliland ayaa shaaciyay in xilligaan aysan suurta-gal aheyn inay dib u furmaan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, xilli la qorsheynayo in dhawaan lasii amba-qaado wada-hadaladaasi. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan magacaabay ergeyga arrimaha Somaliland, kaasi oo u magacaabay Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo ay soo dhaweysay xukuumadda Somaliland,...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa hambalyo ku aadan xuska sannad-guurada 63-aad ee aas-aaskooda u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu tilmaamay in xuska sannadkan uu ku soo aaday iyada oo guulo waaweyn laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah. Mudane Xamza ayaa waxa uu tilmaamay in ciidankeenna...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ugu hambaleeyay sanad guurada 63aad ee ka soo wareegatay maalintii dhidibada loo taagay Ciidanka Xoogga. Madaxtooyada Soomaaliya oo faafisay Muuqaalka Hambalyada Madaxweynaha ayaa yiri,“Sannad-guurada 63-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Waa maalin ku asteysan...

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Maxamed Ibraahim Yuusuf. Guddoomiyaha iyo safiirka ayaa ka wada hadlay xaaladaha guud ee labada dal, sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah, ee ka dhexeeya labada...

Taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliya, Gen, Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa guddi baariseed ah u saaray eedeymo loosoo jeediyay ciidamada xabsiga dhexe ee Xamar. Taliyaha ayaa sheegay in guddigan uu baarayo waxa ka jira eedeymaha ku saabsan in la iibsado raashinka loogu talo galay maxaabiista xabsiga dhexe iyo in laga iibiyo waqtiga ay xaqa u leeyihiin inay qorraxda usoo...

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku aadan khilaaf xoogan oo dhinaca Canshuurta ah oo soo kala dhexgalay guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo  Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeelle. Khilaafkaan ayaa ah mid salka ku haayo hanaanka loo maamulayo Canshuurta gobolka Hiiraan oo ay Hirshabeelle ku  dooneyso iney lacagahaasi...

Kumanaan ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa lagu dilay Soomaaliya, boqolaal kalena waa lagu dhaawacay tan iyo markii ay ciidamadu billaabeen howlahooda shaqo ee Soomaaliya horaantii sannadkii 2007-dii, sida uu VOA u sheegay madaxa howlgalka AMISOM. Mohamed El-Amine Souef, oo ah ergeyga gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya,...

Hay’adda maaraynta masiibooyinka Soomaaliya, ayaa diginin ka bixisay fatahaado ka dhalan kara webiyada Shabeelle iyo Jubba, kuwaas oo la sheegayo inuu heerkooda biyaha uu kordhay. Warsaxaaafadeed hay’addu ay soo saartay ayay ku sheegtay in roobab lixaad leh oo ka da’ay buuralayda dalka Itoobiya ay sababeen in biyuhu sare u kaceen. Hay’addu waxay sheegtay in saacad...

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan dhexmaray Madaxda Dowladda Federaalka & Wakiilada Beesha Caalamka waxaana kor joogto ku ahaa Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo Muqdisho soo gaaray 11kii April 2023. Dowladda Federaalka ayaa soo bandhigtay guulaha muhiimka ah ee ay ka gaartay dhinaca Amniga gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee...

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka wada aagga deegaanka Cali Afrax oo 12 KM u jira magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud. Ciidanka oo ku sii siqaya deegaano hor leh ayaa gacanta ku dhigay tiro maleyshiyaad ah, kuwaas oo isku dayey inay iska dhigaan dad shacab ah, waxaana xubnihii la qabtay ku socda baaritaan. 12 nin oo looga...