Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Dalalka Canada & Mareykanka ayaa ku heshiiyay wax ka qabashada qulqulka soogalootiga isaga kala gudba xadka ay wadaagaan labadaan oo todobaadyadii u dambeeyay ay aad u kordheen magangalyo doon badan oo tahriib ku galay Mareykanka. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden & Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau oo ku kulmay Ottawa ayaa ku heshiiyay qorshe dib loogu...

Taliyaha Ciidamada Danab ee Soomaaliya Axmed Cabdullaahi Beeryare ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku aadan warar dhowaanahan qabsaday baraha bulshada oo ku aaddan sakaal horey uga tirsanaa Danab oo lagu dilay magaalada Laascaanood.  Maxamed Suleymaan, oo soo noqday taliyaha ururka afaraad ee Danab, ayaa Sabtidii lasoo dhaafay ku dhintay dagaal duleedka Laascaanood ku...

Kuuriyada Waqooyi ayaa saakay Tijaabisay Gantaal nooca badda hoosteeda loogu talagalay in lagu qarxiyo Maraakiibta kaddibna shucaac ku furaya Maraakiibtaas sida lagu sheegay Wakaaladda Wararka u faafisa Dalkaas. Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un oo waqtigii tijaabada Gantaalka kasoo dhex muuqday waxaa la arkay isaga oo dhoola-caddeynaya kuna qanacsan Gantaalkaas...

Qiima-koror saameyn taban ku reebay Dadka dantayar ayaa ku yimid qiimaha Maciishadda & Khudaarta Suuqyada Magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari DG Puntland tan iyo markii la galay Bisha Barakeysan ee Ramadaan. Ganacsatada Khudaarta ayaa sheegtay in maalmo kahor curashada Bisha Ramadaan in Khudradda ay ka hooseysay qiimaha hadda la iibinayo balse marqura sare ukac...

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin sheegaysa in qaar kamid ah gobolada dalka ay wajihi karaan khatar kaga timaada halista daadadka roobka, oo saameyn xooggan ku yeelan karta naf iyo maalba. Qoraal kasoo baxay hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa waxaa lagu sheegay in degmooyin kamid ah gobalada Bakool,...

Saacadihii la soo dhaafay waxaa roob xoogan uu ka da’ay meelo kamid ah Gobolada dalka, isaga oo saameyn ku yeeshay isku socodka dadka, Ganacsiga iyo Gaadiidka, sidoo kalena ay ku xirmeen Garoomo diyaaradeed. Magaalooyinka uu roobka ka da’ay ayaa waxaa kamid ah Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, degmada Baardheere ee  Gobolka Gedo iyo degaano katirsan Gobolka...

Booliiska la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada ee dalka Britain ayaa sheegay in ay shan nin u xireen tuhuno argagixiso. Ragga ayaa booliisku ka qabteen magaalooyinka Worcester, Birmingham, Leicester iyo Bradford. Magaalooyinkan ayaa ka mid ah deeggaanada ay jaaliyadaha Muslimiinta ahi ku badan yihiin inkasta oo aan la shaacin jinsiyadaha iyo meelaha ay raggani kasoo...

Dagaal xooganaa ayaa waxaa xalay uu ku dhexmaray Beerta Cali Mahdi ee duleedka degmada Deeyniile ee Gobolkan Banaadir Ciidamo katirsan kuwa Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo Al-Shabaab. Dagaalka ayaa waxaa sida la sheegay uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Haramcad ay weerar ku qaadeen Xarunta ay Al-Shabab ku lahaayeen Beerta...

Muslimiinta caalamka ayaa sanad walba is weydiiya tirada saacadaha laga soomo wadamada kala duwan ee Aduunka, maadaama ay ku kala duwan yihiin marka loo eego loolka iyo dhigga iyo halka uu wadanku ku yaallo marka loo eego dhulbaraha, Hadaba warbixintaan waxaan ku eegaynaa  tirada saacadaha ugu yar iyo saacadaha ugu dheer ee Ramadaanka sanadkaan wadamada caalamka. Muslimiinta...

Warar ka imanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in duleedka waqooyi ee Magaalada laascnood  Weli ay ka taagan tahay Xiisaad dagaal oo u dhexeysa Ciidamadda Soomaaliland iyo kuwa degaanka . Sidoo kale , Wararka ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay labada dhinac ay soo kala gaareen Ciidanka gurmad ah iyo gaadiid dagaal taas oo la sheegaay in ay keeni karto dagaal mar...