Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Labo ruux ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay toogasho ku dileen, dhowr gurina ay gubeen deegaan miyi ah oo ku yaalla xeebta dalka Kenya, sida ay booliisku sheegeen. Weerarka ayaa habeenkii Kirismaska ka dhacay deegaanka Pandaguo ee ismaamulka Lamu oo deris la ah keynta Boni, halkaasoo hay’adaha ammaanku ay wadeen howlgal tan iyo 2015-kii si looga soo saaro Xubno katirsan...

Wararka naga soo gaaraya magaalada Miqdisho ayaa sheegaya in galabta diyaaradda Ethiopian airways ay shil ay ku gashay gudaha garoonka diyaaradaha Adan Cadde. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Shilkan uu yimid kadib markii mid ka mid ah garbaha diyaarada uu waxyeello soo gaaray xilli ay dooneysay in ay ka duusho Garoonka. Warar kale waxey sheegayaan in mid kmaid ah...

Kulanka Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay Xarunta Villa Hargeysa, waxaana siwadajir ah u guddoominaya guddoomiyeyaasha labada Aqal. Shirka Xildhibaannada labada Aqal ayaa Ajandahiisa Maanta waxa uu yahay ka doodista Miisaaniyadda 2023, waxaana horyimid Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Cilmi Maxamed Nuur. Xildhibaannada labada...

Somali Journalists Syndicate – SJS ayaa magaalada #Beledweyne ka furtay wareeg kale oo ka mid ah tababarrada lagu dhisayo xirfadda gabadhaha saxafiyiinta, laguna xoojinayo awoodooda u qareemidda ee xuquuqda haweenka saxafiyiinta. Xoghayaha Tababarrada iyo Waxbarashada Somali Journalists Syndicate – SJS Hanad Cali Guuleed ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan...

Qabow daran oo baraf wata oo qabsaday inta badan Mareykankai ayaa sababay koronto la’aan ku dhacday in ka badan 700,000 oo Guri. Sidoo kale ugu yaraan 16 ayaa ku dhintay shilalka baabuur ee la xiriira cimilada, kumanaan kalena waa ay go’doomiyeen sababo la xiriira baajinta duulimaadka diyaarahada. Madaxda Mareykanka ayaa soo saaray digniin ay u dirsyaan Shacabka taas...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeybgalay kulan ay isugu yimaadeen Madaxda Degmooyinka dhaca qeybta Bari iyo saraakiisha Laamaha Amniga, kaasi oo loogu hadlayay u diyaar garowga Qorshe Howleedka sanadka cusub ee 2023 iyo Qorshaha wada-shaqeynta laamaha Amniga iyo Maamulada degmooyinka. Guddoomiyaha ayaa...

La-taliyaha dhanka ammaanka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin ayaa shaaciyey waqtiga ay dowladdu u qorsheysay in lagu soo afjaro gabi ahaanba kooxda Al-Shabaab oo dagaal culus ay kula jirto. Xuseen Macalin oo u waramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in markii ay ka tashadeen sida laga yeelayo dagaalka Al-Shabaab ay qorsheeyeen in kooxda lagu soo afjaro mudo...

Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa u safri doona gobolka Tigray ee Itoobiya si uu u kormeero heshiiskii nabadeed ee bishii hore ay kala saxiixdeen dowladda iyo Itoobiya iyo TPLF. Mas’uuliyiinta federaalka Itoobiya iyo mas’uuliyiinta gobolka Tigray ayaa goor dambe oo Khamiistii ah ku heshiiyey wadahadallo Nairobi ka dhacay in Midowga Afrika la siiyo fursad...

Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal qorsheysan oo lagu laayey kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay degaan lagu magacaabo Ceelbacad oo hoos taga degmada Aadan-yabaal. Taliyaha oo wareysigaan siiyey warbaahinta dowladda ayaa sheegay in kooxdu ay saacadihii ugu dambeeyey isaga baxeen degaanka Ceelbacad, isla markaana...

Nin hubeysan ayaa rasaas ku furay bartamaha magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska, halkaasi oo uu ku dilay labo qof tiro kalena uu ku dhaawacay. Toogashada ayaa ka dhacday meel ku dhow xarun dhaqameed ay leeyihiin Kurdiyiinta. Eedaysanaha oo da’diisu lagu sheegay 69 jir ayaa waxaa gacanta ku dhigay booliiska. Maamulka ayaa ka codsaday dadka inay ka fogaadaan aagga...