Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa maanta kulan la qaadatay qaar ka mid Culima’udiinka Soomaaliyeed kuwaas oo kala hadlay arrimo ku saabsan hadalladii ay ka jeedisay shir ka dhacay magaalada Muqdisho. Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin ayaa Culimadda uga mahadcelisay sida ay u soo ajiibeen kulankeedi ayaa waxa ay Bulshada...

Ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa gacanta kusoo dhigay Nin hubeysan oo la sheegay inuu dil u geysan rabay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Ilaalada deegaanka Xamar. Afhayeenka Ciidanka Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali Duudishe ayaa sheegay in degmada Wadajir ay laamaha amniga kasoo qabteen ninka hubeysan oo watay bastoolad. Afhayeen Sadiiq ayaa xusay...

Wararka ka imaanaya Gobolka Bay ayaa xaqiijinaya in dagaal cusub ka dhacay deegaanka Daynuunay oo fariisin ay ku leeyihiin ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dagaalka wuxuu billowday Al-Shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisimaha ciidanka, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac kasoo gaaray iska hor-imaadka. Ciidanka Dowladda ayaa illaa iyo...

Hoggaamiyihii ururka Daacish Abu al-Hassan al-Hashimi al-Qurayshi ayaa la sheegay inuu ku dhintay dagaal dhowaan dhacay, sida uu xaqiijiyey afhayeenka kooxdaas oo warbaahinta la wadaagay fariin cod ah oo la baahiyey. In kastoo Afhayeen ku faahfaahin intaas ka badan ma bixinin. Al-Qurayshi ayaa noqonaya hoggaamiyihii labaad ee kooxda Daacish ee la dilo sannadkan gudihiisa,...

Wasiirrada arrimaha dibadda urur goboleedka IGAD ayaa aqbalay codsi uu jeediyay Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac ( Huruuse) oo ahaa in Soomaaliya lagu garab istaago qorshaha ay ku doonayso in laga qaado cunaqabataynta hubka ee wakhtiga dheer saaran. Wasiir Abshir Cumar Jaamac ayaa ka sheegay shirka 48-aad ee wasiirrada...

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo dadka degaanka ayaa saaka ka socda degaanka Nuurdugle oo katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhigyada Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka kuleeyihiin degaanka Nuurdugle oo dhawaan ay la wareegeen. Dadka degaanka ayaa ku...

Kooxo hubeysan ayaa Xaafad katirsan degmada Deeyniile ee Gobolkan Banaadir waxaa ay kudileen Madixii Samafalka Barakacayaasha ee degmada Dayniile Alle ha u naxariistee Marxuum Cumar khaliif Xasan, iyaga oo dilka kaidb goobta ka baxsaday. Mas’uulka ayaa xilliga la dilayay kasoo laabtay howlo Shaqo oo uu u tegay meelo kamid ah degmada Deeyniile, waxaana la sheegay in raggii...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hamza Abdi Barre ayaa guddoomiyey shir looga hadlayay xasillinta deegaannada laga saaray Al-Shabaab iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada dowladda ee muhiimka ah. Wasaaradaha kulanka ka qeyb galay ayaa soo bandhigay qorshooda ku aaddan adeegyada ay u baahan yihiin bulshada deegaannada la xoreeyey, sida caafimaadka,...

Ciidamada cirka Ruushka iyo Shiinaha ayaa si wadajir ah u sameeyey dhoolatus militari oo ka dhacay gobolka Asia-Pacific, waxaa sidaas maanta sheegtay wasaaradda difaaca Ruushka. “Ciidamada Cirka Ruushka iyo Ciidamada Cirka ee Ciidamada Xoreynta Shacabka Shiinaha ayaa si wadajir ah roondo hawada ah uga sameeyeen gobolka Asia-Pacific,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 2aad ee wadajirka ah BJFS oo ajandihiisu ahaa qeybinta iyo akhrinta koowaad ee qoondaha miisaaniyadda 2023-ka. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa...