Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dadka degaanka ee hubka qaatay oo howlgallo weli ka wada degaano katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Maanta waxaa ay Al-Shabaab kala wareegeen degaano dhowr ah. Howlgalka Maanta ayaa waxaa hoggaaminaya Xildhibaannada kala ah Cismaan Xaadoole iyo Yuusuf Kabaale, waxaana Ciidamada ay dagaal la’aan la wareegeen degaannada kala ah, Cadcadeey,...

Rag la sheegay inay afka soo duubteen ayaa rasaas ku furay dad farabadan oo fadhiyay Goob Ganacsi oo kutaalla degaanka Milxo ee Gobolka Sanaag. Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarkaas uu ku dhintay hal ruux halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen, isla marlaana raggii weerarkaasi geystay oo aan weli la aqoonsan ay goobta ka baxsadeen. Ciidamo katirsan kuwa dowlad Goboleedka...

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta gargaar Caafimaad usoo direysa Magaalada Muqdisho si loogu daweeyo Dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii is xigxigay ee 29kii October 2022 Soobe gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed ayaa sheegay in isaga oo ka jawaabaya codsi uga yimid Madaxda Dowladda Federaalka ay Xukuumaddiisa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay furitaanka meertada 31-aad ee Shir-madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada Aljeris ee dalka Aljeeriya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shirkan ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo dhibaatooyinka Al-Shabaab ay ku hayso nabadda, horumarka iyo dowladnimada Soomaaliya...

Wasaaradda Lacagta ee dalka Maraykanka ayaa cunaqabatayn saartay xubno ka tirsan ururka Daacish ee Soomaaliya oo lagu eedeeyey inay ku lug leeyihiin iibka hubka ee Bariga Afrika, sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters. Maraykanka ayaa sannadkii 2018-da liiska ururrada argagixisada ku daray ururka Daacish ee Soomaaliya. Shaqsiyaadka cunaqabataynta la saaray waxaa...

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo sanad ah u kordhiyay howlgalka Soomaaliya UNSOM oo sii shaqeynaya illaa 31ka October 2023 sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay kulan gaar ah oo golahaas muddo kordhintaas ku sameeyay. Golaha Ammaanka ayaa markale dib u cusbooneysiiyay howlgalka tirsigiisu yahay 2158 (2014) & 2592 (2021) kaddib markii fadhiga lagu dhex...

Abaabulka howlagal ka dhan ah Al-Shabaaab ayaa mar kale ka bilaawday deegaano ka tirsan gobalka Hiiraaan,halkaasi oo uu ka dhacay dagaaal u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo dadka deegaaanka oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaaab,balse maaalmahaaan uu hakad galay, iyadoona haaatan mar kale dib boorka looga qaaday howlgalkaasi. Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle oo...

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hortimid in la gowraco maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ama la beegsado qoysaskooda, kadib markii falal noocaas ah ay ka dhaceen gobolka Hiiraan. Maleeshiyada Macawiisleyda ayaa dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan 18-kii September waxay ku dileen 45 maleeshiyo oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo saddex ka mid ah ay gowraceen. Sidoo kale, guddoomiyaha...

Gobolka & Magaalada New York waxaa qasab ku ah bixinta magta labo Nin oo lagu kala magacaabo Muhammed Aziz & Khalil Islam oo lagu xukumay in ay dileen Malcolm X oo ah halyeey difaaca xuquuqda Madaniga oo la dilay 1965tii. Dib u eegis lagu sameeyay kiiskaan waxaa soo daahiray xukunka caddaalad darrada ahaa ee lagu riday labadaas nin oo ugu dambeyn helaya lacag magdhaw...

Taliyaha Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Gen. Diomede Ndegeya oo xilka ka sii degaya ayaa sheegay in weerarrada ay wadaan ciidamada AMISOM iyo kuwa xoogga dalka ay tahay mid muujineysa sida ay u sii kordhayaan awoodaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA). “Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin nabad, sababtoo ah waxay soo mareen dhibaato aad u dheer. Waxaan...