Jabuuti oo Gargaar Caafimaad maanta usoo direysa Magaalada Muqdisho.

by admin | Wednesday, Nov 2, 2022 | 299 views

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta gargaar Caafimaad usoo direysa Magaalada Muqdisho si loogu daweeyo Dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii is xigxigay ee 29kii October 2022 Soobe gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed ayaa sheegay in isaga oo ka jawaabaya codsi uga yimid Madaxda Dowladda Federaalka ay Xukuumaddiisa go’aan ku gaartay in ay dadejiso kaalmadaan caafimaad oo ay u baahan yihiin Dadka dhaawacyada ah.

Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sii haya Wasiirka Caafimaadka faray in si degdeg ah uu kaalmo ugu diro isla markaana uu raaciyo kooxda ku shaqeysa arrintaan.

“Diyaarad sidda Kooxda Caafimaadka & Agabka ay adeegsadayaan ayaa Arbacada 2da November gaareysa Magaalada Muqdisho si ay qayb uga qaataan daryeelka loo fidinayo Bukaannada ku dhaawacmay qaraxyadii Argagixiso ee Muqdisho ka dhacay, Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay garab taagan tahay Walaalaha Soomaaliyeed, waxaa la qiimeyn doonnaa dadka dhaawacyada qaba si kuwa u baahan caafimaad dibadda ah loo keenno halkaan” Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa codsaday in gargaar Caafimaad oo degdeg ah lala soo gaaro si wax loogu qabto Dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii daqiiqadaha kala horreeyay ee Soobe ka dhacay 29kii October 2022 ee sababay dhaawaca in ka badan 300 oo ruux.

Like it? Share it!

Leave A Response