Weerar sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Gobolka Sanaag

by admin | Wednesday, Nov 2, 2022 | 207 views

Rag la sheegay inay afka soo duubteen ayaa rasaas ku furay dad farabadan oo fadhiyay Goob Ganacsi oo kutaalla degaanka Milxo ee Gobolka Sanaag.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarkaas uu ku dhintay hal ruux halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen, isla marlaana raggii weerarkaasi geystay oo aan weli la aqoonsan ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamo katirsan kuwa dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku baxay oo gurmad u sameeyay dadkii ku waxyeeloobay rasaasta lagu furay, iyaga oo sidoo kale sameeyay howlgallo lagu baadi goobayay dadkii geystay weerarka wallow aysan ku guuleysan inay gacanta kudhigaan.

Degaanka Milxo ee Gobolka Sanaag ayaa sanadkan waxaa ka dhacay qarax geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, iyada oo Puntland maalmo kadib sheegtay inay qabatay mid kamid ah raggii abaabulay qaraxaas.

Like it? Share it!

Leave A Response