Mareykanka oo cunaqabateyn saaray xubno ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya

by admin | Wednesday, Nov 2, 2022 | 232 views

Wasaaradda Lacagta ee dalka Maraykanka ayaa cunaqabatayn saartay xubno ka tirsan ururka Daacish ee Soomaaliya oo lagu eedeeyey inay ku lug leeyihiin iibka hubka ee Bariga Afrika, sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Maraykanka ayaa sannadkii 2018-da liiska ururrada argagixisada ku daray ururka Daacish ee Soomaaliya.

Shaqsiyaadka cunaqabataynta la saaray waxaa ku jira Cabdirahman Mohamed Cumar, oo lagu eedeeyey inuu xubin ka yahay Daacishta Soomaaliya, iyo inuu yahay xubinta ugu firfircoon ee laga soo bilaabo 2020-kii hubka sharcidarada ah kasoo dejiya Puntland, sida ay qortay Reuters.

Waxaa sidoo kale cunaqabatayn la saaray Ciise Mohamoud Yusuf, oo lagu eedeeyey inuu hubka iyo saadka ufududeeyo Al-Shabaab, islamarkaana uu soo geliyo Puntland hub.

Waxaa sidoo kale cunaqabatayn la saaray Cabdirahman Faahiye oo lagu sheegay inuu yahay Amiirka Daacish Soomaaliya, iyo Maxamed Axmed Qaxiye oo la sheegay inuu yahay madaxa Amniyaatka.

Like it? Share it!

Leave A Response