Maamulka Hir-Shabeelle & Xildhibaano bilaabay abaabulka howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab

by admin | Tuesday, Nov 1, 2022 | 316 views

Abaabulka howlagal ka dhan ah Al-Shabaaab ayaa mar kale ka bilaawday deegaano ka tirsan gobalka Hiiraaan,halkaasi oo uu ka dhacay dagaaal u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo dadka deegaaanka oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaaab,balse maaalmahaaan uu hakad galay, iyadoona haaatan mar kale dib boorka looga qaaday howlgalkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle oo uu ugu horeeyo madaxweyne ku xigeenka Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, Guddoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaaan iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo ku sugan deegaaanka Tardo ee Hiiraan ayaa sheegay in howlgalku dib u bilaawday ayna dhawaaan Al-Shabaaab ka saari doonaaan deegaanada ay gacanta ku hayaaaan.

Xildhibaaan Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Xildhibaan Jacfar oo ka mida masuuliyiinta Tardo ku sugan oo Warbaaahinta la hadlay ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in Al-Shabaab ay maamulaaan deegaanada gobalada Hiiraan iyo Galgaduud ayna dhawaaan ka xoreyn doonaaan.

Sidoo kale xildhibaanada oo la hadlay ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ayaa kula dardaarmay inay dardargeliyaaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka  Hir-Shabeele Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa dhankiisa sheegay in Al-Shabaab xiligaan aysan lahayn awood ay kula dagaalamaan ciidamada kala duwan, loogana baahanyahay inay ka faa’ideystaaan ciidamadu.

Like it? Share it!

Leave A Response