$36 Milyan oo magdhaw loo siiyay labo nin oo si khalad ah loogu xukumay in ay dileen qof u dooda xuquuqda Madaniga.

by admin | Tuesday, Nov 1, 2022 | 235 views

Gobolka & Magaalada New York waxaa qasab ku ah bixinta magta labo Nin oo lagu kala magacaabo Muhammed Aziz & Khalil Islam oo lagu xukumay in ay dileen Malcolm X oo ah halyeey difaaca xuquuqda Madaniga oo la dilay 1965tii.

Dib u eegis lagu sameeyay kiiskaan waxaa soo daahiray xukunka caddaalad darrada ahaa ee lagu riday labadaas nin oo ugu dambeyn helaya lacag magdhaw ah oo u dhiganta muddada ay xirnaayeen & meel ka dhaca lagu sameeyay.

Magaalada New York ayaa bixineysa $26 Milyan oo dollar halka Gobolka New York uu dhankiisa dhiibayo $10 Milyan oo dollar oo isu geyn noqoneysa $36 Milyan oo dollar oo gacanta loo gelinayo Muhammed Aziz & Khalil Islam.

Labada Nin ee magta la siinayo ayaa dhowr jeer oo wax laga weydiiyay kiiska qoorta loo geliyay waa ay iska fogeeyeen balse kama baajin in xukun maxkamadeed lagu rido laguna soo oogo in ay ka dambeeyeen dilka loo geystay ninka caanka ah.

Garsooraha ayaa dib u eegis ku sameeyay kiiskaan isaga oo helay caddeymo muujinaya in Muhammed & Khalil ay ka fog yihiin yihiin dhammaan caddeymaha loo cuksaday kiiska lagu soo oogay ee sababay in xabsi la dhigo.

Waxa uu Garsooruhu qiray in caga-jugleyn & handadaad kale la isugu daray Markhaatiyadii xiligaas ku marag furay Muhammad Aziz & Khalil Islam sidaasina maxkamaddu u qaadatay go’aanka lagu xukumay.

Muhammad Aziz oo da’diisu ahayd 84 jir ayaa geeriyooday sannadkii 2009, lacagta ayaa loo siiyay si siman oo qof weliba waxaa kusoo aaday $18 Milyan oo Doollar, Wakaaladda Wararka AP ayaa ku warrantay in kiiskaan uu muddo dheer taagnaa.

Like it? Share it!

Leave A Response