Al-Shabaab oo laba Ruux kudilay weerar ka dhacay dalka Kenya

by admin | Tuesday, Dec 27, 2022 | 244 views

Labo ruux ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay toogasho ku dileen, dhowr gurina ay gubeen deegaan miyi ah oo ku yaalla xeebta dalka Kenya, sida ay booliisku sheegeen.

Weerarka ayaa habeenkii Kirismaska ka dhacay deegaanka Pandaguo ee ismaamulka Lamu oo deris la ah keynta Boni, halkaasoo hay’adaha ammaanku ay wadeen howlgal tan iyo 2015-kii si looga soo saaro Xubno katirsan Al-Shabaab oo ku sugan.

Dhulka howdka ah ee ku dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya iyo deegaanada ku dhow dhow ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay weeraro ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Booliska ayaa sheegay in kooxaha weerarka soo qaaday ay ku soo duuleen tuulada Taa oo dhowr mayl u jirta goobta caanka ah ee loo dalxiis tago ee magaalada Lamu, isla markaana ay bartilmaameedsadeen guryaha.

Guddoomiyaha gobolka xeebta John Ellungata ayaa sheegay in kooxaha weerarka soo qaaday ay habeennimadii soo weerareen tuulada balse ay iska caabiyeen ciidamada keydka ah ee booliiska Kenya kaddib markii ay israsaaseyn xooggan dhacday.

Elungata ayaa ku booriyay dadka deegaanka inay la shaqeeyaan saraakiisha ammaanka ee goobta ku sugan.

“Xaaladdu waa degan tahay, waxaan joognaa goobta askar roondo ah, waxaana ka codsanaynaa xubnaha bulshada inay noo sheegaan waxay og yihiin inay naga caawiyaan baaritaanada inta aan wadno howlgallada,” ayuu yiri.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya todobaad uun kadib markii rag looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen gaadiid ay wateen ciidamada Booliska Kenya, halkaasi oo ay ku dileen laba sarkaal iyo qof rayid ah.

Like it? Share it!

Leave A Response