lafatagreen oo lagu eedeeyay in uu beegsi gaar ah ku haayo mucaaradka Maamulkiisa

by admin | Tuesday, Dec 27, 2022 | 279 views

Xildhibaan hore Xasan Black oo kamid ahaa Baarlamaankii hore ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa si kulul uga hadlay muddo kororsiga Madaxweyne laftagareen iyo Shaqaaqadii dhawaan ka dhacday magaalada Baydhabo.

Xildhibaan hore Xasan Black oo wareysi siiyay warbaahinta waxaa uu sheegay in muddo kororsi la sameysto ay u baahan tahay jadwal iyo shuruudo la raaco, isla markaana waxkasta ay ka horreyaan in dastuurka la waafajiyo, balse aan la sameyn hebel ayaan jeclahay iyo hebal ayaan necbahay.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in dhowr jeer ay madaxweynaha Koonfur Galbeed kala hadleen in la joojiyo muddo kordhinta balse uu ka diiday, taasina ay dhibaato kale tahay.

Like it? Share it!

Leave A Response