Bannaanbax Maanta ka dhacay laas-caanood & ujeedka oo la ogaaday

by admin | Tuesday, Dec 27, 2022 | 175 views

Wararka naga soo gaaraya magaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in Maanta halkaasi uu ka dhacay dibadbax ay dhigayeen dadka Shacabka ah, kaas oo ay uga soo horjeedaan dilalka qorsheysan ee had iyojeer ka dhacay magaaladaas.

Banaanbaxa ayaa ka dambeeyay kadib markii xalay kooxo hubeysan ay bartamaha magaalada laas-caanood kudileen Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi Sangub) oo kamid ahaa waxgaradka Gobolka Sool, xilli uu kasoo baxay masaajid uu kusoo dukaday.

Dadka bannaanbaxa dhigayay ayaa Maanta dhagxaan waaweyn ku jaray waddooyinka, iyaga oo dalbanayay in laga hortago dadka dilalka u geysanaya Haldoorka Gobolka Sool, waxaana ay ku dhaliileen Madaxda Hay’adaha Amniga Somaliland ee magaalada laas-caanood inay ku fashilmeen waxka qabashada dilalka.

Wararka kale ee laga helayo Magaalada laas-Caanood ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska ay rasaas ku kala eryeen dadkii bannaanbaxa dhigayay, iyada oo goobjoogayaal ay sheegeen inrasaasta dadka qaar ay ku dhaawacmeen.

Intii uu bannaabaxa socday ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo Goobaha Ganacsiga wallow ay dib u furmeen, waxana bannaanbaxa Maanta siweyn looga dareemay magaalada laas-Caanood.

Like it? Share it!

Leave A Response