Wararkii U Danbeeyay Diyaarad Shil Ku Gashay Garoonka Magaalada Muqdisho.

by admin | Monday, Dec 26, 2022 | 210 views

Wararka naga soo gaaraya magaalada Miqdisho ayaa sheegaya in galabta diyaaradda Ethiopian airways ay shil ay ku gashay gudaha garoonka diyaaradaha Adan Cadde.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Shilkan uu yimid kadib markii mid ka mid ah garbaha diyaarada uu waxyeello soo gaaray xilli ay dooneysay in ay ka duusho Garoonka.
Warar kale waxey sheegayaan in mid kmaid ah garbaha diyaarada ay gashay shimbir, taasoo dhalisay shilkan.

Saraakiil ka tirsan garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in shaqaalaha iyo rakaabkii saarnaa diyaarada ay badqabaan, inkastoo la arkayay qiiq isku shareeyay hawada.

Rakaabkii ku qornaa safarkan ayaa caawa baaqday, waxaana loo sheegay in beri la wadi doono, waxaana socdo dib u habeynta diyaaradan.

Like it? Share it!

Leave A Response