Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Dawladaha Djibouti iyo Kenya ayaa si adag uga hadlay weeraradii dadka badani ku dhinteen ee ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si adag u cambaareeyey weeraradaas, isaga oo Alle uga baryay in uu naxariistii Jano siiyo dadkii ku dhintay kiwa dhaawaca ahna caafimaad u rajeeyay. Dhanka kalana, Madaxweynaha...

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa xalay shir guddoomiyay shir Golaha Wasiirrada oo degdeg ah oo looga hadlayey gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii 29-kii October ka dhacay Zoobe ee magaalada Muqdisho ka geysteen Al-Shabaab. Shirka oo ay sidoo kale ka qeyb-galeen taliyayaasha ciidamada ayaa waxaa kasoo baxay qodobadda soo socda: 1. Dowladda...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa xalay ballan-qaaday in loo aargudi doono shacabkii ay maleeshiyada Al-Shabaab ku xasuuqeen qaraxyadii ka dhacay Zoobe 29-kii October.  In ka badan 105 qof ayaa lagu dilay qaraxyadaas, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 300, ayada oo la rumeysan yahay in dhimashadu ay intaas ka badan tahay maadaama ay jiraan dad badan...

 Wali waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii mataanaha ahaa ee gilgilay Isgooyska Zoobe Sabtidii iyo agagaarka wasaaradda waxbrashada ee magaalada Muqdisho, iyadoo marba marka ka dambeeysa ay soo baxayaan sheekooyinka argagaxa leh ee qaraxydaasi ka dhashay. Ilmo saqiir ah oo laga soo dulqaaday meydka hooyadeed Markii qaraxyadu dhaceen durba muuqaallada...

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in saddex cisho oo ka billaabaneysa 31ka October 2022 la fasaxay Goobaha Waxbarashada si Ardaydu kaalintoodu uga qaataan gurmadka loo sameynayo Dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii Muqdisho gaar ahaan Soobe ka dhacay 29kii October 2022. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in aanay loo...

Dadweyne farabadan ayaa saaka tegay Goobihii ay qaraxyada ka dhaceen ee Isgoyska Soobe, halkaas oo dad farabadan ay ku dhinteen qaar kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo kala kuwo wadada marayay iyo kuwo ganacsiyo kala duwan kulahaa. Qaar kamid ah Wariyeyaasheena oo tegay goobihii qaraxyada ka dhaceen ayaa kusoo arkay meydad horleh o laga soo saarayo, dhismayaashhii ku...

Magaalada Muqdisho, ayaa dadweyne fara badan waxey u galeen safaf isbitaalada, si ay dhiig u bixiyaan maadaama dad farabadan ay jiifaan, kuwaas oo u baahan dhiiga kadib markii ay ku dhaawacmeen qaraxyada. Tani ayaa ka danbeysay kadib markii shacabka laga dalbadey iney dhiig bixiyaan, maadaama isbitaalada aanay heynin dhiig ay ku shubaan dhaawaca faraha badan ee lasoo gaarsiiyey. Sidoo...

Madaxa hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka (WHO), Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa sheegay iney Soomaaliya gargaar caafimaad u dirayaan. Madaxa ayaa tacsi u diray dowladda, iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoysaska uu sida gaarka ah u saameeyey qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Sidoo kale, wuxuu carabka ku dhuftay Tedros Adhanom, in...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac, ayaa kulamo doceedyo kula yeeshay Caasimadda Algiers intii uu socday kulanka loogu gogol-xaarayay Shir madaxeedka Carbeed ee 31aad, Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Ciraaq, Fuad Hussein, iyo qaar kale oo dhiggiisa ah, oo ay ka midyihiin, Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka Suudaan, Amb....

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray isgooyska Soobbe ee magaalada Muqdisho si uu ugu kuur galo baaxadda dhibaatada xooggan ee ka dhalatay qaraxyadii Al-Shabaab ay shalay  ka geysteen, kuwaas oo dhimasho & dhaawac ay ku noqdeen dad Shacab ah. Madaxweynaha oo booqday burburka dhismaha Masaajid ku dumay qaraxyada, wuxuuna...