Jabuuti & Kenya oo cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

by admin | Monday, Oct 31, 2022 | 284 views

Dawladaha Djibouti iyo Kenya ayaa si adag uga hadlay weeraradii dadka badani ku dhinteen ee ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si adag u cambaareeyey weeraradaas, isaga oo Alle uga baryay in uu naxariistii Jano siiyo dadkii ku dhintay kiwa dhaawaca ahna caafimaad u rajeeyay.

Dhanka kalana, Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa Soomaaliya uga tacsiyeeyay khasaaraha ka dhashay weerarkii  Sabtidi ka dhacay magaalada Muqdisho. Ruto ayaa ballanqaaday in dowladiisu ay Soomaaliya la garab taagantahay tageero buuxdo

Ku dhawaad laba Boqol oo Ruux oo Shacab u badnaa ayaa ku dhintay in ka badan 300 oo Ruuxna waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo is xig xigay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response