XFS oo 3 cisho fasaxday Goobaha Waxbarashada si Ardaydu ugu qaybgalaan Gurmadka Dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho.

by admin | Monday, Oct 31, 2022 | 254 views

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in saddex cisho oo ka billaabaneysa 31ka October 2022 la fasaxay Goobaha Waxbarashada si Ardaydu kaalintoodu uga qaataan gurmadka loo sameynayo Dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii Muqdisho gaar ahaan Soobe ka dhacay 29kii October 2022.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in aanay loo kala hari doonin gurmadka dadka dhaawacyada soo gaaray ee lagu daweynayo goobaha Caafimaadka ee Caasimadda.

Ardaydu ayuu sheegay in door muuqda uu uga furan yahay sidii ay u garab istaagi lahaayeen Bukaannada sida in ay dhiig u shubaan Dadka u baahan, xarumaha gurmadka iyo goobaha caafimaad ee dadka lagu daweynayo ayuu ugu baaqay in kordhiyaan doorkooda.

“Go’aan waxaa la gaaray in 31ka October 2022 laga billaabo fasax saddex cisho ah ayaa la gelinayaa Iskuullada & Jaamacadaha waxaana loogu talagalay in ay ka qaybqaataan Ardayda, Maamulka & Macalimiinta Gurmadkaan Dadka Soomaaliyeed loo fidinayo” RW Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa dhanka kale sheegay in la ballaarinayo xarumaha Gurmadka si dadka ay u wada helaan adeegga ay ugu baahan yihiin si looga jawaabo dhibaatada baaxadda weyn ee ka dhalatay qaraxyadii ka dhacay Soobe.

In ka badan 100 ruux ayaa ku geeriyootay halka ay dhaawacmeen dad kor u dhaafaya 300 oo ruux oo lagu daweynayo goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho qaraxyadii is xig-xigay ee ka dhacay KM5 29Kii October 2022.

Like it? Share it!

Leave A Response