Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay xerada Nac-nac oo ay ku tababartaan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya sida ay u xaqiijiyeen warbaahinta goobjoogayaal. Qaraxa ayaa la sheegay in uu dhacay xilli ciidanka aysan ku jirin tababar. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay gudaha xerada. ...

Kulankaan oo looga hadlayay Xoojinta Amniga, Xasiloonida iyo wadajirka Bulshada Gobolka mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka mudug Axmed Xuseen shire Bukhaari, Gudoomiye ku xigeenka dhanka Puntland Waloore ,Odayaasha dhaqanka iyo laamaha amniga ayaa lagu qabtay Deegaanka Laama Ari-boob ee Gobolka mudug. Kulanka ayaa diiradda lagu...

Taliyaha guud ee Ciidamada Somaliland Gen. Nuux Ismaaciil Taani ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Somaliland magan-geliso kooxaha Argagixisada ah. Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa ayuu kaga jawaabay hadalkii Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland uu ku sheegay in Soomaliland gacan-siiso Argagixisada. Taliyaha Ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoyga uu ka degan yahay magalada Garoowe ku soo dhaweeyay Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne...

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dadka degaanka ee hubka qaatay oo howlgallo weli ka wada degaano katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Maanta waxaa ay Al-Shabaab kala wareegeen degaano dhowr ah. Howlgalka Maanta ayaa waxaa hoggaaminaya Xildhibaannada kala ah Cismaan Xaadoole iyo Yuusuf Kabaale, waxaana Ciidamada ay dagaal la’aan la wareegeen degaannada kala ah, Cadcadeey,...

Rag la sheegay inay afka soo duubteen ayaa rasaas ku furay dad farabadan oo fadhiyay Goob Ganacsi oo kutaalla degaanka Milxo ee Gobolka Sanaag. Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarkaas uu ku dhintay hal ruux halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen, isla marlaana raggii weerarkaasi geystay oo aan weli la aqoonsan ay goobta ka baxsadeen. Ciidamo katirsan kuwa dowlad Goboleedka...

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta gargaar Caafimaad usoo direysa Magaalada Muqdisho si loogu daweeyo Dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii is xigxigay ee 29kii October 2022 Soobe gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed ayaa sheegay in isaga oo ka jawaabaya codsi uga yimid Madaxda Dowladda Federaalka ay Xukuumaddiisa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay furitaanka meertada 31-aad ee Shir-madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada Aljeris ee dalka Aljeeriya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shirkan ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo dhibaatooyinka Al-Shabaab ay ku hayso nabadda, horumarka iyo dowladnimada Soomaaliya...

Wasaaradda Lacagta ee dalka Maraykanka ayaa cunaqabatayn saartay xubno ka tirsan ururka Daacish ee Soomaaliya oo lagu eedeeyey inay ku lug leeyihiin iibka hubka ee Bariga Afrika, sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters. Maraykanka ayaa sannadkii 2018-da liiska ururrada argagixisada ku daray ururka Daacish ee Soomaaliya. Shaqsiyaadka cunaqabataynta la saaray waxaa...

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo sanad ah u kordhiyay howlgalka Soomaaliya UNSOM oo sii shaqeynaya illaa 31ka October 2023 sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay kulan gaar ah oo golahaas muddo kordhintaas ku sameeyay. Golaha Ammaanka ayaa markale dib u cusbooneysiiyay howlgalka tirsigiisu yahay 2158 (2014) & 2592 (2021) kaddib markii fadhiga lagu dhex...