Banaanbax ka dhacay Jowhar & goobaha qaar ee Ganacsiga oo xiran

by admin | Sunday, Aug 15, 2021 | 268 views

Dad u badan dhalinyaro ayaa waxaa ay Maanta banaanbax ka dhigeen Gudaha Suuqa Hanti-wadaag ee Magaalada Jowhar Caasimadda Hir-Shabeelle, iyada oo Goobaha Ganacsiga qaar ee la xiray.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Dadka banaanbaxa dhigay ay ka banaanbaxayaan kabaha caaga ah ee Magalada lagu iibiyo oo ay ku sheeegeen ineey qeybta hoose ee kabaha uu uga qoran yahay Magaca Allah.

Banaanbaxayaasha ayaa Goobaha qaar ee ganacsiga waxaa ay ku tuurayeen dhagxaan waaweyn, taas oo keentay in dadkii lahaay ay xirtaan Goobaha Ganacsiga si aysan waxyeelo u soo gaarin.

Qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo Warbaahinta la hadlayayaa sheegay in aysan aqbaleyn in kabo ay ku qoran yihiin Magaca Alle lagu dhex iibiyo suuqa Magaalada Jowhar, isla markaana ay ka hortagayaan.

Waxaa ay ugu baaqeen ganacsatada ku nool magaalada Jowhar inay joojiyaan iibinta Kabaha, iyaga oo ka codsaday inay kabahaas xareeyaan ama gubaan si aan loo isticmaalin.

Waa banaanbixii ugu horreeyay ee noocaan o kale ah ee Maanta ka dhaca Magaalada Jowhar, iyada oo ay horay u dhici jireen banaanbaxyo ay dhigayeen ganacstada iyo Gaadiidleedya magaalada Jowhar.

Like it? Share it!

Leave A Response