Banaanbax looga soo horjeedo xariga Jenaraal Sheegoow oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Baledweyne

by admin | Monday, Aug 21, 2023 | 112 views

Inta la xaqiijiyay hal qof oo ka mid ahaa dadweyne dhigaayay banaanbax looga soo horjeedo xariga Jenaraal Sheegoow ayaa geeriyooday laba kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii ay rasaas ku fureen askar ka tirsan ciidanka dowladda oo ku sugna xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne.

Banaanbaxa oo ahaa mid aad u balaaran oo ay dhigayeen qeybaha kala duwan ee Beesha Jareer weyne ayaa ahaa mid ay ku dalbanayeen in dowladda sii daayso Jenaraal Sheegoow oo maalin ka hor lagu xiray magaalada Muqdisho, kadib dagaal uu la galay ciidanka xasilinta Caasimadda ee Booliis Militaare

Dibadbaxayaasha ayaa ku qeylinaayay erayo lidi ku ah dowladda Soomaaliya, mana jirin wax rabshado ah oo ay sameynayeen mudada ay banaanbaxayeen, hayeeshee wali lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in askartu ay rasaaseyaan dadka banaanbaxa dhigaayay.

Shalay ayay aheyd markii banaanbaxyo sidaan oo kale ah oo looga soo horjeedo xariga Jeneraal Sheegoow ay ka dhaceen magaalada Muqdisho, kaaso watay rabsho sababay in waxyeelo kasoo gaarto dadkii banaanbaxa dhigaayay, kadib markii rasaas ku fureen askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response