Bannaan bax looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo oo ka dhacay Muqdisho

by admin | Thursday, Dec 24, 2020 | 395 views

Bannaan bax ayaa saaka ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Sayidka iyo Dabka ee magaalada Muqdisho, iyadoo dadweyne isugu soo baxay oo watay boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo.

Dadka isugu soo baxay oo haween iyo rag isugu jiray ayaa ku qeylinayay erayo ay ka mid yihiin dooni-meyno keligii talis, doorasho xor iyo xalaal, iyo erayo kale.

Qaar ka mid ah dadkii soo dibad baxay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay diidan yihiin afduubka iyo handadaada, sidoo kale ay rabaan doorasho xor iyo xalaal oo heshiis lagu yahay.

Mid ka mid ah haweenkii bannaan baxa ka qeyb galay ayaa ka dalbaday Madaxweyne Farmaajo inuu xilka si sharaf iyo nidaam uga dego, oo uu qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay ka dhiidhinayaan inay dhacdo colaad dhiig ku daato, sidaas darteed loo baahan yahay in doorasho heshiis lagu yahay inay dhacdo.

Bannaan baxyo ayaa maalmihii la soo dhaafay si goos goos uga dhacayay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaasoo looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo, inta badan ciidamada amniga ayaa joojinayay bannaan baxyada oo jidadka xirayay.

Dhinaca kale Ciidamada Booliska ayaa saaka xiray qaar ka mid ah dadkii dibad baxa waday, waxaana baraha bulshada la soo dhigay sawir dhalinyaro la saarayo gaadiidka ciidamada booliska.

Like it? Share it!

Leave A Response