Beesha gugdoomiyihii la dilay ee degmada Hodon oo go’aan culus soo saartay {AKHRISO}

by admin | Saturday, Apr 10, 2021 | 405 views

Beesha uu kasoo jeedo Guddoomiyihii degmada Hodon Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun) oo bishii Janaayo lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa dalbatay cadaalad, iyadoo baaq culus u dirtay madaxda dowladda.
Shir ka dhacay magaalada Muqdisho ayay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Beesha Ceyr ee Habargidir ku caddeeyeen in muddo saddex bilood ah kadib dilkii guddoomiyihii degmada Hodon aanu wax cadaalad ah helin, dadkii loo qabtayna qaarkood la sii daayey.
Odayaasha ayaa sheegay in ay la kulmen madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha oo ay dalbadeen cadaalad, laakiin aan kiiskan waxba laga qaban, iyadoo mas’uuulka la dilay aanay cid kale dilin ee laba taliye saldhig boolis iyo ciidamo ay wateen dilkiisa ka dambeeyeen.
Waxay sheegeen in marxuum Cabdixakiim uu waayey cadaalad, beeshuna shireyso, ayna doonayaan cadaalad degdeg ah, iyagoo diray digniin culus oo ay ku sheegeen in si kas ah loo dilay, kuna dhintay fagaare, dilkiisuna ahaa qorshe ayna dileen laba taliye saldhig

Hay’adaha amniga ayaa dilka guddoomiye Cabdixakiin u xiray taliyeyasha saldhigyada booliiska degmooyinka Howlwadaag, Gaashaanle Shucayb Cabdi Maxamuud iyo Waaberi, Gaashaanle Maxamed Cabduqaadir Mooshin, waxaa kaloo loo xiray 7 askari oo ku sugnaa bartii lagu dilay guddoomiyaha.
Warbixin lasoo dusiyey ayaa lagu sheegay in guddigii baarayay kiiska dilkii Cabdixakiin Dhagajuun ay kiiska ka dhigeen inuu ahaa mid shil ah, islamarkaana ay eeda ka saareen taliyaha saldhigga Waaberi iyo laba ka tirsan ilaaladiisa oo degdeg loo sii daayey, halka ay ku eedeeyeen taliyihii saldhiga Howlwadaag iyo 7 askari oo kale.
Guddiga kiiskan baaray ee ka kala yimid xeer illaalinta ciidamada, booliska iyo NISA ayaa warbixintooda ay abuurtay xaalad kale iyo shaki ku saabsan xaqiiqada waxa dhacay iyo dilka guddoomiyihii degmada Hodon.
Kiiskan ayaa ka mida mas’uuliyiin ku maqan gacanta ciidamada dowladda oo ana weli cadaalad helin. Beesha uu kasoo jeedo Marxuum Cabdixakiin Dhegajuun ayaan ka harin kiiskan oo digniintan soo saartay.

Like it? Share it!

Leave A Response