Booliska Boosaaso oo gacanta ku dhigay kooxo dhac u geysanayay Shacabka

by admin | Saturday, Nov 6, 2021 | 336 views

Laamaha Amniga Magaalada Bosaaso ayaa dhalinyaro ku soo qab qabtay dhaca Mobilada, oo Muddooyinkii La soo dhaafay Cabasho Wayn ka Imaanaysay dadwaynaha xaafadaha Bosaaso.

Ciidamada Booliiska ee ka howlgala Magalada Bosaaso ayaa gacanta ku dhigay dhalinyaro Hab farsamo iyo toorey ku dhacayay shacabka ku dhaqan xaafado ka tirsan Magaalada oo maanta lagu soo bandhigay Saldhiga Bartamaha Bosaaso.

Burcadan ayaa xiliga la qabanayay ku howlanaa dhac ay u geysanayeen dad shacab ah, waxaana saldhiga lagu soo bandhigay moobeelo ay dad ka furteen iyo toorey ay wateen markaas.

Qaar kamid ah dhalinyaradaan ayaa waxay dhaawacyo u geysteen dad shacabka oo hada xaaladohooda Caafimaad lagu daweynaayo Magaaloyinka Muqdisho iyo Itoobiya.

Qabashada ragan dhalinyarada u badan ayaa timid kadib markii Booliska ay gacan ka heleen shacabka xaafadaha kuwaas oo ka cabanayeen rag dhac u geysanaaya, iyadoona intaas kadib ay howlgalo ay sameeyeen taliska booliska gobolka Bari.

Taliyaha Qeybta Booliska gobolka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ragan qabashadooda ay iska kaashadeen shacabka magaalada iyo ciidamada booliska, sidoo kale waxa uu tilmaamay in howlgalada ragan lagu soo qabqabtay ay si gaar ah uga dhaceen Xaafadaha oo maalmihii lasoo dhaafay dhac iyo dhaawacyo dad badan loogu geystay Goobahaas, Taliye Xuseen ayaa sheegay in ragaan maxkamada la horgeyn doono waxa kalo uga digay dhalinyarada ku howlan falkaas in ay ka waantoobaan.

Like it? Share it!

Leave A Response