Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay Rag ka Ganacsanayay Maandooriyaha Khamriga

by admin | Monday, Nov 8, 2021 | 350 views

Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Puntland ee Gobolka Mudug ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay ku qabteen hoggaamiyaha Koox ka Ganacsata Maandooriyaha Khamriga.

Howlgalka ayaa sigaar ah uga dhacay Xaafada Garsoor ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaana ay Ciidamada ku qabteen laba Nin oo ka Ganacsanayay Khamriga iyo hoggaamiyahooda.

Saraakiil ka tirsan Booliska Puntland ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegeen in raggaan la qabtay muddo lagu raad joogay kadib cabasho uga timid dadka Shacabka ah ee ku nool Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in howlgalka sidoo kale lagula wareegay hub ay wateen ragga ka Ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo haatan ku xiray Saldhiga Booliska Waqooyiga Magaalada Gaallacyo.

Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa Magaalada Gaalkacyo ku dagaalamay Ciidamada Booliska Puntland oo howlgallo waday iyo rag ka Ganacsanayay waxyaabaha Maanka dooriya.

Like it? Share it!

Leave A Response